Xogo cusub oo daaha ka rogay xadgudubyo baahsan oo Somalia ka geysatay Gobolka Tigray

Asmara -(Berberanews)-Ciidammo ka tirsan millatariga Soomaaliya ayaa lasoo tebiyay inay xadgudubyo waaweyn ka geysteen gobolka Tigray ee uu dagaalka ka socdo, inkastoo ay dawladda Soomaaliya horay u beenisay inay askar geysay gobolkaas oo ku yaalla woqooyiga dalka Itoobiya.
Millateriga Soomaaliya oo garabsanaya kuwa dawladda Eritrea ayaa lagu eedeeyey inay xasuuq ka geysteen deegaanno ka tirsan Tigray, bilihii ugu horreeyey ee ka dambeeyay marka uu dagaalku bilowday, sida laga soo xigtay dad goob joogeyaal ah oo uu wareystay wargeyska The Globe and Mail oo ka soo baxa waddanka Canada.

Markhaatiyaasha uu wargeyska la hadlay waxa ka mid ah nin 52 jir ah oo magaciisa lagu soo koobay Gebretsadik, kaasoo sheegay inuu daggan yahay xaafadda Zebangedena ee ku taalla waqooyi-bari ee gobolka Tigray.

“Meydadka wadaad diimeedyo oo madaxa uu ka go’an yahay ayaan ku arkay waddooyinka xaafaddeyda, bishii December ee 2020-kii,” ayuu yidhi.

Gebretsadik ayaa intaas ku daray: “Ciidammada Soomaalida oo qabsaday xaafaddeyda ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday kaniisadaha waxayna laayeen baadariyaasha. Way gowraceen.” Ciidanka Soomaalida iyo Ereitrea ayaa xaafaddaas ku sugnaa ilaa dabayaaqadii bishii February, sida uu sheegay ninkan ka midka ah dadka deegaanka.

Dadka kale ee xogta laga soo xigtay waxaa ka mid ah beeraley 32 jir ah oo la yiraahdo Berket, kuna sugan xaafadda Mai Harmaz ee gobolka Tigray, kaasoo yidhi: “Ciidanka Eritrea su’aalo ayay ku weydiinayaan ka hor inta aysan ku dilin, balse kuwa Soomaalida ah ma sameeyaan sidaas.” Waxa uu intaas ku daray in baadariyaasha la dilay uu ka mid ahaa nin ay deris ahaayeen oo 76 jir ahaa.

Hase yeeshee Dowladaha Soomaaliya, Eritrea iyo iyo Itoobiya ayaa beeniyay inay isku xulafeysteen dagaalka Tigray oo hadda socda muddo ka badan hal sano.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay soo baxaan wararka ku saabsan in ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya ay ka qayb qaateen dagaalka gobolka Tigray.

Bartdhmihii sanadkii 2021-kii, warbixin ka soo baxday Hay’adda Xuquuqda Aadanaha u qaabilsan Qarammada Midoobey ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socday Soomaaliya oo tababar ku qaadanayay saldhig militari oo ku yaalla Eritrea in ay ku biireen dagaalka Tigray oo khasaare badan dhaliyay.
Hadal heynta ku saabsan ciidammada Soomaalida ayaa ahayd mid sii xoogeysaneysay oo ka jirtay gudaha Soomaaliya halka ay xukuumadda uu hoggaamiyo Maxamed Xuseen Rooble ay ku adkeysaneysay in aanay ciidankooda tagin waqooyiga Itoobiya.

Waalidiinta ay ka maqan yihiin dhallinyarada:

Bishii June ee sannadkii la soo dhaafay, waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacay mudaharaad ay sameeyeen qaar ka mid ah waalidiinta dhalay askartii la sheegay in tababarka militariga loogu diray dalka Eritrea, balse ay ka dagaallameen Itoobiya. Dadka dibadbaxayay ayaa dowladda ka dalbadayn in dalka dib loogu soo celiyo askartaas.

Waalidiinta ayaa doonayay inay ogaadaan halka ay carruurtooda ku sugan yihiin, kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidan Soomaali ah loo diray dagaalka gobolka Tigray.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xilligaas magaalada Muqdisho ku magacaabay guddi soo baara cabashada ay waalidiinta ka qabaan ubadkooda ka maqan. Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin guddigaasi.

Berberanews.com
Info@berberanews.com