Cilmi-baadhe Ingiriisa oo lagu toogtay gobolka Georgia ee dalka Mareykanka.

Georgia-(Berberanews)-Khabiir ku takhasusay cilmiga  cirbixiyeenada ayaa lagu dilay toogasho “aan ka fiirsi lahayn” xilli uu booqanayay saaxiibadii oo ku sugneyd gobolka Georgia ee dalka Mareykanka.

02:00 wakhtiga maxaliga ah (07:00 GMT) ee Axadii, askarta waxa looga yeedhay guri dabaq ah oo ku yaala Clairmont Road ee Brookhaven, Atlanta.

Dr Matthew Willson, oo 31 jir ah, kana soo jeeda magaalada Surrey ee dalka UK, ayaa waxaa sariirta laga helay hal xabbad oo madaxa lagaga dhuftay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in ay “taageereyso qoyska nin British ah dhimashadiisa kadib”.

Dr Willson “wuxuu ku sugnaa magaalada isagoo ka yimid England isagoo booqanaya dad ay is jeclaayeen markii uu shilku dhacayay,” booliisku ayaa sidaas yidhi.

Bilayska ayaa u sheegay xarunta wararka maxalliga ah ee WSB-TV2 ee Atlanta inuu ahaa”fal macno darro ah” Dr Willsonna uu ahaa “Dhibane gebi ahaanba aan waxba galabsan”.

Dr Willson waxa uu hore u ahaa arday PhD ka bartay Jaamacadda Exeter ee koonfurta-galbeed ee England.

Jaamacadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Dr Willson uu ahaa “xubin aad loo jecel yahay oo ka tirsan kooxdayada astrophysics-ka”.

Waxay intaas ku dartay: “Qalbigayagu wuxuu la socdaa qoyskiisa, asxaabtiisa iyo ehelkiisa, waxaan taageero u fidineynaa asxaabta jaamacadda oo iyaguna doonaya inay xusaan noloshiisa.”

Dr Willson wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay cilmi-baadhe postdoctoral ee Jaamacadda Gobolka Georgia intii u dhaxaysay 2017 iyo 2019,sida ay jaamacaddu tidhi.

Ma jiraan cid tuhmane ah oo loo soo qabtay, waxayna boolisku raadinayaan xogta dadweynaha. Maamulka ayaa bixinaya abaal-marin lacageed oo loogu talagalay cidii soo sheegta dilkiisa.

Berberanews.com
Info@berberanews.com