Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Pakistan

Pakistan-(Berberanews)-Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax uu ka dhacay goob ganacsi oo mashquul badan oo ku taal bariga Pakistan ee Lahore, sida ay booliisku sheegeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Lohari Gate, oo ah xaafad si aad ah loo soo buuxiyay oo ka kooban dukaamo yar yar oo laga soo buuxiyay waddooyinka cidhiidhiga ah ee iska gudba, galabnimadii Khamiista maanta, afhayeen u hadlay booliiska Nayab Haider ayaa u sheegay Al Jazeera.

“Dhimashada laba qof ayaa la xaqiijiyay,” ayuu yidhi, isagoo sheegay in afar ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu liidato.

Saraakiisha Isbitaalka Lahore’s Mayo, oo ah halka lagu daweynayo dadka dhaawaca ah, ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada, waxayna sheegeen in ugu yaraan 26 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Muuqaalo taleefishin ah ayaa muujinayay saraakiisha booliiska oo isku gadaamay goobta uu qaraxa ka dhacay, iyadoo kooxaha dambi baadhista ay ururinayaan cadeymo.

“Markii hore waxa ay u muuqataa in kani uu yahay bam [bam] la rakibay oo sababay qaraxan,” ayuu sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Abid Khan u sheegay saxafiyiinta goobta.

Khan ayaa sheegay inay socdaan baadhitaanno lagu ogaanayo qaabka qaraxa iyo nooca loo adeegsaday qaraxa.

Faaruuq Axmed oo ah sarkaalka badbaadiyay ayaa Al Jasiira u sheegay in dhammaan dadkii ku dhaawacmay shilkaasi laga qaaday isbitaallada ku dhow dhow halka uu shilku ka dhacay.

Berberanews.com
Info@berberanews.com