Jidkii cusbaa ee uu Maayar Mooge u maray xilka uu maanta hayo

Waxa qoray Sidiiq M. Burmad

Maayarka Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa Md. Cabdikariin Axmed Mooge jidkii uu u soo maray xilka uu maanta hayo oo ahaa mid ka duwan jidadka Soomaalidu u maraan waxa ay ahayd in la falanqeeyo in badan, in buugaag laga qoro, in daraasado laga diyaariyo inta aannu markale xidhmin.

Wax mucjiso ah ma ahayn, awood ka baxsan inta la yaqaanana ma uu adeegsan. kaliya waxa uu ka leexday dhabbadii qardajeexa ahayd, qarfaha ahayd, qodxaha badnayd ee qaladka ahayd.
Waxa uu ka leexday dhabbadii keliya ee Soomaali mari jirtay, maritaankeeda la eedi jiray, balse aan waxba la iska waydiin jirin dhibka lagu qabo iyo in dhabbo kale jirto.

Waxa uu kursiga u soo maray dariiqii toolmoonaa ee isaga oo inoo dhow aynaan arki jirin.
Waa dariiqa maristiisa la mahadiyo.

Maal kagama bixin odayaal, maal iyo nabar kama tegin isna masoo gaadhin oo muu noqon laaluushe iibsada kalsoonida.
Si fudud waxa uu dadka u sheegay wax aan loo sheegi jirin oo ah sida saxda ah.

Dadku waa gob, wixii loo sheego uun bay ku dedaalaan. Tii hore ee qaldanayd way ku dedaali jireen, waayo waxa kaliya ee la baray ayay ahayd, midda Mooge u sheegayna markay maqleen way garteen in ay kasii fiican tahay.

Mihiimaddu maaha Mooge iyo in aan idiin ammaanayo, waa in jidkaas aan halkaas lagu illaabin oo aan la marin halkii cagtu innaga baratay.

Waxa muddo kooban uu ku jebiyay derbi boqollaal sanno soo dhismayay, ilaa haddana dhismihiisu socday oo ahaa derbi madaw.

Mar hadduu furay albaabkaas adag, yaanu xidhmin oo ha la helo ragga hanka leh siiba dhallinyarada jidkaa dhagaxa kasii gura oo daamur dhiga.

Wabillaahi tawdiiq.

Sadiiq Burmad