Dhegaysigii Dacwadda Coldoon oo la soo gunaanaday iyo hadallo dhexmaray garsoorka iyo maxbuuska

Hargeysa -(Berberanews)-Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa soo gunaanaday dhegaysiga dacwadda loo haysto eedaysane Cabdilaamik Muuse Coldoon maanta, iyadoo la filayo in Maxkamaddu maalmaha soo socda ay ku dhawaaqdo xukunka kiiskan.
Qoraal lagu baahiyay barta weriye Cabdilaamik Muuse Coldoon oo lagu faahfaahiyey qaabkii uu u dhacay fadhigii ugu dambeeyey Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ku soo xidhay dhegaysiga dacwaddiisa iyo hadallo lagu sheegay inay dhexmareen garsooraha iyo maxbuuska, waxa uu u qornaa sidan:
“Waxa maanta la soo gabagabeeyey dhagaysiga dacwadda loo haysto eedaysane Cabdilaamik Muuse Coldoon.
Markii la gabagabeeyey dhagaysiga, garsooraha ayaa Coldoon siiyey eraygii ugu dambeeyey waxaannu ku yidhi, “Maxaad ka codsanaysaa Maxkamadda?”
Coldoon ayaa inta uu kitaab quraan ah oo uu sitay kor u qaaday, waxa uu yidhi; “Waxa aan doonayaa in aad kitaabka Ilaahay ii eegto oo waxa iiga soo baxa igu xukunto oo  oo aanad igu xukumin wax ka sokeeya xukunka kitaabka Alle.:
Sidoo kale, Coldoon ayaa garsooraha ku yidhi:  “Haddii aad i dulmido oo aad xukun caddaalad-darro ah dusha iga saarto, Ilaahay waxa aan ka barayaa in aannu Alle kugu salladin axad kale oo iga dambeeya aniga, adiga iyo cid kasta oo arrinkaygan ku lug leh.”
Coldoon ayaa intaa raaciyey, “Garsoore, waxa aan u xidhanahay laba qalo oo is bahaysatay oo kala ah: kuwo diinta islaamka duullaan ku ah iyo iyo kuwo awooddii dawaladnimada adeegsanaya oo ah kuwa saaka aniga oo katiinadaysan iigu kaa keenay shabaggan birta ah ee aan ku jiro hadda ee ha ii raacin kuwaas.”
“Rag isku hayb ah ayaa xadhigayga ka hadlay oo qaarkood ayaa ku baaqay in la dilo, waxana ka mid ah raggaas: Cabdiraxmaan Cadami, Maxamed Cabdi Daa’uud, Maxamed Maxamuud Xiirey (Aadan-siiro walaalkii) iyo Axmed Cadarre, haddii ay caddaalad jirto kuwaas in la ii maxakamadeeyo ayey ahayd, taasina ma dhicin. Waxa dheer, adiguna garsoore la hayb baad tahay oo maba ay ahayn in kiiskayga laguu dhiibo, madaxweynihii i soo xidhayna waa idinla hayb, sidaa darteed waxa aan kaa rabaa caddaalad.”
“Maanta waa if, berrina waa aakhiro. Adduunkan waa laga tagayaa ee Ilaahay raalligali oo caddaalad samee, haddii aad Ilaahay raalligalisid maxaa lugu yeeli karaa oo ugu weyn oo aan ahayn in shaqada uun lagaa joojiyo?”
Garsoore Xasan-mataan Axamed Maxamed oo ah garsooraha ka garnaqaya dacwadda Cabdimaalik Sh.Muuse Coldoon ayaa la sugayaa maalmaha soo socda in go’aan ka soo saaro dacwadda.
Cabdimaalik Sh.Muuse Coldoon ayaa la xidhay 19/08/2021 kaddib markii ka hadlay Shabakadda Abaarso iyo baadariyad guddoomiye ka ah Jaamacadda Barwaaqo .