Cirro oo isku xidhay aqoonsiga iyo doorashada Madaxtooyada

Murashax Cirro oo sheegay in aqoonsiga Somaliland fogaan doono haddii doorashada madaxtooyadu dib u dhacdo

Hargeysa – Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ishaaray in aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland sii fogaan doono haddii Madaxweyne Muuse Biixi ka warwareego qabashada doorashada madaxtooyada oo u muddaysan bisha November ee sannadkan 2022.
Md Cirro oo hadal ka jeediyey casuumad loogu sameeyey caasimadda Hargeysa maanta, waxa uu tibaaxay dooddii Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay aqoonsiga Somaliland iyo soo dhowayntii madaxweyne Biixi loogu sameeyey Addis Ababa in ay ahaayeen qaar ka tarjumayey heerka Somaliland marayso.
“Somaliland maanta meel fiican ayey maraysaa. Madaxwaynuhu wuxuu ku tagay safar dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya. Waad arkayseen oo si fiican ayaa loo soo dhoweeyey. Dood ayaa ka socotay Baarlamaanka Ingiriiska, waxaasina waxay ka dhasheen in Somaliland lagu bogaadinayo hannaanka dimoqraadiga ah.”
Murashaxa WADDANI waxa uu ku dooday in meeqaamka Jamhuuriyadda Somaliland uu hoos u dhici doono, haddii doorashada madaxtooyadu dib uga dhacdo waqtigeeda.

“Waxaan isleeyahay soo dhawayntaana waa la waayi doonaa, doodda baarlamaankana waa la waayi doonaa, ictiraafkuna wuu fogaan doonaa, haddii madaxweynuhu ka meermeero in uu doorashooyinka qabto,” ayuu yidhi Cirro.
Dhinaca kale, Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sheegay inuu safar ugu baxayo dalka Itoobiya, maalin kadib markii uu dalkaas ka soo laabtay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.