Shiinaha oo Maraakiibta Dagaalka u Diray Xeebaha Soomaaliya

Beijing – Dawladda Shiinaha ayaa saddex markab oo kuwa dagaalka ah u dirtay xeebaha dalka Soomaaliya.
Maraakiibta Shiinaha oo ka goostay dekadda Guangdong maalintii Isniinta, ayaa haatan gaadhay Gacanka Cadmeed, ìyadoo la filayo inay saacadaha soo socda gaadhaan xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya ee dalka Soomaaliya.
Ma jiro ilaa hadda war rasmi ah oo ku saabsan ujeeddada dawladda Shiinuhu maraakiibta dagaalka ugu dirtay Soomaaliya xilligan oo sii kordhayaan loollanka quwadaha waaweyn ee caalamku ugu jiraan guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaanna Gobolka Geeska Afrika.
Markaakiibta Shiinuhu u diray xeebaha Soomaaliya waxa ku rakiban gantaalaha la hago ee loo yaqaan Hohhot, waxana la socda daraasiin ka tirsan ciidammada sida gaarka ah u tababaran iyo laba helikobter ah.
Dhinaca kale, Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka muujiyey waqtiga yar ee ka hadhsan hawlgalka la dagaallanka budhcad badeedda ee dalka Soomaaliya, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in din looga fekero.

Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, ayaa bishii December ee la soo dhaafay ku kordhiyey muddo saddex bilood ah hawgalka caalamiga ah ee ilaalada xeebaha Soomaaliya, inkastoo maamulka Muqdisho uu rabo in hawlgalkaas la soo afjaro.

Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qarammada Midoobay Mr Abuukar Cusmaan Baalle ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in xeebaha dalkiisa ay ka joogsadeen hawlihii budhcad badeedda, sidaa darteedna loo baahan yahay in dawladda Soomaaliya lagu wareejiyo maamulka ammaanka baddeeda.

Berberanews.com
Info@berberanews.com