Isbahaysiga Sucuudiga oo weerar ku dilay Sarkaal sare oo Xuutiyiinta ah

Sanca-(Berberanews)-Duqeymo dhanka cirka ah oo xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ka fuliyeen magaalada caasimada ah ee Sanca ayaa ayaa waxay ku duleen Cabdallah Qaasim Al-Junaid oo ahaa madaxii hore ee kulliyadda duulista Xuutiyiinta.




Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa ayaa xaqiijisay dhimashada Cabdallah Qaasim Al-Junaid, xaaskiisa, wiil uu dhalay oo 25 jir ah, xubno kale oo qoyskiisa ah iyo dad kale oo aan la aqoonsan.

Hawlgalka oo lagu tilmaamay mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa tan iyo 2019-kii, ayaa waxaa ku dhintay Ku dhawaad 14 qof  markii diyaaradaha isbahaysiga ay duqeeyeen guriga sarkaalka sare ee ka tirsanaa militariga Xuuthiyiinta.



Gelinkii hore ee salaasada, isbahaysiga ayaa sheegay in ay bilaabeen duqeymo ka dhan ah dhufeysyada iyo xeryaha Sanca ee ay leeyihiin kooxda Xuuthiyiinta, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Sacuudiga.

Isbaheysiga ayaa sidoo kale sheegay in ay qabteen sideed ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta oo ku soo wajahan Sacuudiga Isniintii.

Weerarkan cirka ah ayaa daba socday weerarkii isniinta ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo lagu qaaday xulafada Imaaraatka Carabta oo ay sheegteen Xuutiyiinta xulafada la ah Iran kuna dileen saddex qof.

Berberanews.com