Xukuumadda Somaliland oo beenisay in ay Itoobiya kala hadleen Saylac

Addis Ababa  -(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay waxba kama jiraan ku tilmaantay warar maalmahan aad loo hadal hayey oo ku saabsanaa in safarka Madaxweyne Muuse Biixi ku tegay Addis Ababa uu la xidhiidho qorshe dawladda Itoobiya ku doonayso dekedda Saylac ee Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Ciise Kayd Maxamuud oo ka mid ah weftiga Madaxweynaha Somaliland ee ku sugan Addis Ababa, ayaa isagoo oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in wadahadallada u dhexeeya weftigooda iyo masuuliyiinta Itoobiya ay ka mid yihiin arrinta dekedda Saylac, waxa uu yidhi; “Waa arrin aan sal iyo raad ah lahayn, nin weriye ah ayeyna ka timi markii hore.”
Hadal-haynta dekedda Saylac ee Itoobiya, maalmahan baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha haysatay, balse waa markii koowaad ee xukuumadda Somailand si cad u beeniso jiritaanka arrintaas tan iyo intii uu soo shaac-baxay safarka madaxweynaha Somaliland ku tegay Itoobiya toddobaadkii hore.
Dhinaca kale, Wasiir Ciise Kayd waxa uu safarka madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ku joogo dalka Itoobiya ku tilmaamay inuu yahay mid yimi xilli aad u munaasib ah.
Waxa kaloo Wasiirku ka warbixiyey kulan weftiga Madaxweynaha Somaliland la yeesheen Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed galabta, kaas oo uu sheegay in labada dhinac kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka mandaqadda Geeska Afrika.
Geesta kale, Wasiir Ciise Kayd waxa uu iska fogeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland qayb la safan tahay dhinacyada ku lugta leh dagaalka ka socda Itoobiya, isagoo sheegay in dawladdiisu dhexdhexaad ka tahay colaadda dalkaas.
Safarka madaxweyne Muuse ee Addis Ababa, ayaa yimi xilli waddanka Itoobiya ka soo baxayo dagaallo sokeeyo oo qadhaadh, inkasta oo weli aannu jirin heshiis weyn oo gudaha Itoobiya ka dhacay.
Dhawr jeer oo hore ayuu madaxweynaha Somaliland booqday dalka Itoobiya oo uu ka dhexeeyo xad dheer iyo xidhiidh ganacsi oo muddo fog soo jirey.

Berberabews.com
Info@berberanews.com