Xukuumadda oo soo dhawaysay doodda Baarlamaanka Uk ee Somaliland

Hargeysa-(Berberanewa)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay xukuumad ahaan inay si weyn usoo dhawaynayaan dooddq caawa Baarlamaanka Uk kaga hadlayi Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland.

“Dawladd ahaan Waxa aannu si balaadhan oo milgo leh u bogaadinaynaa una soo dhaweynaynaa doodda caawa ee baarlamaanka Ingiriiska ee ku saabsan qadiyadda Ictiraafka iyo aqoonsi raadinta Jamhuuriyadda Somaliland  Sida oo kale waxa aan ku hambalyeynayaa xildhibaan Gavin Williamson iyo mudanayaasha kale ee ku taageeray garowshahooda ku saabsan qaddiyada madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo inay dooddaas hor dhigaan xubnaha kale ee Baarlamaanka Ingiriiska.” Ayuu kusoo qoray bartiisa Facebook.

Berberanews.com
Info@berberanews.com