Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka hadlay aqoonsiga Somaliland, fariinna u diray Somalia

Hargeysa -(Berberanews)-Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo dhoweeyay dedaallada socda ee madaxbannaanida loogu raadinayo Somaliland.
Xildhibaan Barkhad ayaa qoraal uu bartiisa Facebook-ga dhigay, waxa uu madaxda iyo guud ahaan shacabka Somaliland ka codsaday inay garab istaagaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Dhanka kale, xildhibaanku waxa uu farriin u diray xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, oo uu sheegay inay tahay inay ka shaqeeyaan ammaanka shacabka magaalada Muqdisho oo aanay isku mashquulin Somaliland iyo ictiraafka ay baadigoobayso.
Hadalka xildhibaan Barkhad ayaa yimi xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mr. Cabdi Siciid Muuse Cali, uu sheegay inuu Khadka telefoonka kula hadlay wasiirka arrimaha Afrika ee boqortooyada Ingiriiska, Vicky Ford, isla markaana ka wadahadleen cilaaqaadka wada-shaqeynta labada dhinac iyo sidoo kale ilaalinta iyo dhawrista midnimada dalka Soomaaliya.