PROF. RAMAN WAXA UU CODSANAYAA AQOONSIGA SOMALILAND

Salaasa, January 18,2022
Iyada oo saaxiibada Somaliland ay u dagaalamayaan aqoonsiga Somaliland, ayaa warqadan oo uu qoray Professor Pray Raman ay gaadhay Baarlamaanka Ingariiska.

I observe and remain silent- Queen Elizabeth I-

TARJUMAADA WARQADA HOOSE:

Qaranka Republic of Somaliland, oo sidoo kale loo yaqaano Jamhuuriyada Somaliland,waa mid markasta guta waajibaadkooda qaran, ee ku wajahan muwaadiniinta iyo asxaabta dibloomaasiyada.

Somaliland, markasta waxa ay aaminsantahay dimuqraadiyada, hadii ay tahay tixraaca muwaadiniintooda, doorashadooda, iyo hadii ay tahay hawlahooda shaqaba.

Prof.Raman, waxa uu Jamhuuriyada Somaliland la leeyahay xidhiidh gaar ah.

Baarlamaanka Ingariiska ayaa fadhigooda Salaasada, oo ku beegan January 18,2022,waxa ay kaga doodi doonaan aqoonsiga Somaliland, oo ka madaxbanaanatay Soomaaliya inteeda kale 1991, waxana aan u rajaynayaa baarlamaanka, in sida ugu wanaagsan ay u xaliyaan.

Wakhtigan ka hor, December 2019, ayaa 11 xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ( Labour ) ay u codeeyeen taageerada Somaliland.

Dawlado kala duwan, iyo xulafadooda, ayaa marwalba waxa ay muhiimad gaar ah siiyaan Somaliland, dawladahaas ayaa waxa ka mid ah Israel, Imaaraadka Carabta, Kenya, Taiwan,Jarmalka, Maraykanka iyo wadamo kale.

Prof Raman , waxa uu halkan ku cadaynayaa mawqifkiisa iyo taageeradiisa uu u hayo Jamhuuriyada Somaliland.

SOO JEEDIN

Ugu horayn, dawlada Somaliland waxa ay codsatay in ay ku biirto wadamada barwaaqo- sooranka ee ( Commonwealth ), iyada oo codsatay in ay noqoto kormeere, waxana codsigaas uu taagnaa ilaa 2007.Arintaas waa in si degdeg ah loo socodsiiyaa.

Marka labaad, ergada Jamhuuriyada Somaliland ma laha maqaam dibloomaasiyadeed oo rasmi ah, sida ku cad xeerka Vienna Convention,ee Sharciga Heshiiska ( Law of Treaties ) 1969, ee xidhiidhka dibloomaasiyadeed, sidaas daraadeed, waa in lagu bixiyaa hab khasab ah.

Mr.Paty Raman
Policy Advisor
La Taliyaha Siyaasada