Dawladda UK oo shaacisay mowqifkeeda ku aaddan aqoonsiga Somaliland

London -(Berberanews)- Dawladda UK ayaa war ka soo saartay halka ay ka taagan tahay aqoonsiga Somaliland, xilli uu baarlamaanka dalkaasi dood ka yeeshay aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland caawa.


Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK, ahna xildhibaan ka tirsan Barlamaanka dalkaas Mrs Victoria Grace Ford, ayaa war ay soo dhigtay barteeda Twitterka caawa waxay ku sheegtay in dawladdeedu mowqif joogto ah ka taagan tahay arrimaha la xidhiidha qaddiyadda Somaliland.


“Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xarriiqaysaa mowqifka aan isbedelin ee ay dawladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland. Waa hawl u taalla Somaliland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda. Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimoqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqayno dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland,” ayey wasiir Victoria Grace Ford ku tidhi qoraalkeeda.