Warbixin: Dood Baarlamaanka UK ka yeelanayo aqoonsiga Somaliland berriĀ 

London -(Berberanews)-Baarlamaanka UK ayaa lagu wadaa in muddo kooban uu dhegaysto dood ku saabsan aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Golaha u gudbin doono xildhibaan Gavin Williamson oo laga soo doorto Koonfurta Staffordshire berri Salaasada.

Doodda oo ah mid uu mudanaha ku soo gebagabeyn doono fadhiga maalintaas ayaan la fileyn in wax go’aan ah uu ka gaadho baarlaamka.

Ma aha markii ugu horreysay ee baarlamaanka UK uu dhegaysto dood ku aaddan aqoonsiga Somaliland oo ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991kii.

Bishii December 2019, 11 xildhibaanno u badan xisbiga Labour-ka, ayaa gudbiyey mooshin ah in baarlamaanka UK uu aqoonsado Somaliland, maadaama ay ahayd “maxmiyad ay Britain xukumi jirtay.”

Mid ka mid ah xildhibaannadaas ayaa markii dambe ka noqday mooshinka.

Sidoo kale, Golaha Degaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa hore u shaaciyey inay aqoosan yihiin madaxbannaanida Somaliland, walow taasi aanay wax badan soo kordhin.

Waa kuma xildhibaan Gavin Williamson?

Gavin ayaa 25-kii June 1976 ku dhashay magaalada dalxiiska caanka ku ah ee Scarborough oo ku taalla woqooyiga England.

Waxa uu siyaasadda ku biiray sannadkii 2001 xilligaas oo loo doortay golaha degaankiisa.
2010kii ayuu markii ugu horreysay ku guulaystay inuu baarlamaanka UK ku matalo Koonfurta Staffordshire.

Dhammaadkii sannadkii 2017 ayaa loo magacaabay Xoghayaha Difaaca ee UK, kadibna waa uu July 2019 noqday Xoghayaha Waxbarashada.
Waa mudane ka tirsan xisbiga talada haya ee Conservative, waxaannu hadda ka mid yahay xildhibaannada ugu magaca dheer.

Si weyn waxa uu u taageeraa qaddiyadda goonni isu taagga Somaliland, sida ku cad bartiisa Twitter.

Go’aanka dawladda UK:

Xukuumadda Britain ma aqoonsana goonni isu taagga Somaliland, sida ay marar badan sheegtay.

Vicky Ford oo ah Wasiirka UK u qaabilsan Arrimaha Afrika, ayaa bishii November 2021 sheegtay in Ingiriisku uu Somaliland aqoonsan doono oo keliya marka ay go’aan noocaas ah gaadhaan Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrikaanka ah.

Wadahadallo u dhexeeyey Muqdisho iyo Hargeysa oo lagaga arrinsan lahaa qaddiyadda Somaliland ayaa dhowr jeer dhacay, inkastoo aanay wax weyn soo kordhin.

Ma jiro dal ka tirsan caalamka oo soddonkii sanno ee la soo dhaafay waddan madaxbannaan u aqoonsaday Somaliland.