Robert Lewandowski: Wuxuu ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka Fifa

Cayaaro-(Berberanews)-Weeraryahanka Bayern Munich iyo Poland Robert Lewandowski ayaa loo magacaabay xiddiga sannadka 2021 ee ugu fiican Fifa ragga, halka ciyaaryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo uu ku guuleystay abaalmarinta gaarka ah.

Waxa uu ka guuleystey xiddiga Liverpool Mohamed Salah iyo xiddiga Paris St-Germain ee Lionel Messi.

Ronaldo ayaa lagu ammaanay inuu yahay gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda caalamiga ah ee ragga.
Lewandowski ayaa jabiyay rikoodhka 49-sano ee Gerd Muller kaas oo dhaliyay goolasha ugu badan ee Bundesliga hal sano gudaheed isaga oo dhaliyay 43 gool 34 kulan oo horyaalka ah.

Tababaraha kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ku guulaystay abaal marinta tababaraha ugu fiican Fifa ee raga ah kadib markii uu Chelsea ku hogaamiyay koobkoodii labaad ee champions League kadib markii uu kooxda ku soo biiray bishii January.

Garabkii hore ee Tottenham Erik Lamela – oo xagaagii laga iibiyay Sevilla – ayaa ku guulaystay abaal marinta Fifa Puskas, taasoo u aqoonsansatay goolkii ugu fiicnaa kubbada cagta aduunka intii lagu jiray sanadkan, ka dib markii uu ‘rabona’ ku dhamaystay kulankii waqooyiga London derby ee ay la ciyaareen Arsenal bishii March ee la soo dhaafay.

Edouard Mendy oo u ciyaara kooxda Chelsea ayaa ku guulaystay abaal marinta goolhayaha ugu fiican Fifa kadib markii uu xiliciyaareedkii ugu horeeyay guulo la gaadhay kooxdiisa.

Xulka qaranka Denmark iyo shaqaalahooda ayaa ku guulaystay abaal marinta Fifa Fair Play ee ay si degdeg ah uga jawaabeen kadib markii uu Christian Eriksen ku dhex dhacay garoonka intii ay socotay ciyaartii Euro 2020 ee Finland.