Maxkamad ku taal Turkiga oo xukuntay in xabsiga lagu sii hayo Cisman Kavala

Turkey-(Berberanews)-Maxkamad ku taal dalka Turkiga ayaa kordhisay xadhiga hogaamiyaha bulshada rayidka ah Osman Kavala, iyadoo iska indha tireysa waqti kama dambeys ah oo kasoo baxay hay’adda xuquuqul insaanka ee Yurub, si loo sii daayo, kiiskan oo dhaawacay xidhiidhka Ankara iyo reer galbeedka.

Ganacsadaha oo 64 jir ah ayaa lagu heystaa dambi la’aan tan iyo bishii October 2017 ka dib markii lagu eedeeyay inuu maalgeliyay mowjado mudaaharaadyo dowladda looga soo horjeeday sanadkii 2013, wuxuuna door ku lahaa isku daygii afgambi ee ka dhanka ahaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan 2016. Balse Wuxu diiday inuu wax khalad ah sameeyay.

Maxkamada ayaa cod aqlabiyad ah ku xukuntay Isniintii in Kavala lagu sii hayo xabsiga inta ay socoto dacwadiisa.

Kavala oo la xidhy Oktoobar 18, 2017 waxay u qabatay dhageysiga soo socda February 21 waxayna sheegtay in xadhigiisa dib loo qiimeyn doono February 13. .


Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa sheegay in kiiskan uu leeyahay dano siyaasadeed, isla markaana uu qeyb ka yahay olole ka dhan ah mucaaradka dowladda Madaxweyne Erdogan.

Dawladdu way diiday taas oo waxay sheegtay in maxkamadaha Turkigu ay madax bannaan yihiin.

Maxkamadda Yurub ee Xuquuqul Insaanka (ECHR) ayaa dabayaaqadii 2019 ku baaqday in la sii daayo Kavala sabab la xidhiidha tuhun macquul ah oo uu galay, iyadoo xukuntay in xadhigiisa uu ahaa mid lagu aamusiyay.

Golaha Yurub (CoE) ayaa u sheegay Turkiga bishii Decembar inay diyaarinayaan “dacwadaha xadgudubka” ee ku saabsan ku guul dareysiga inay sii daayaan Kavala, tallaabadaas oo horseedi karta in Ankara laga joojiyo EU.

Emma Sinclair-Webb oo ka tirsan Human Rights Watch ayaa Twitterkeeda ku sheegtay in CoE ay siiyeen Turkiga fursadii ugu dambeysay oo ay ku sii daayaan Kavala ka hor kalfadhiga 2-da February, markaasoo ay kiiska dib ugu celin doonaan ECHR, oo bilaabaya dacwadda.

Berberanews.com
Info@berberanews.com