Masuulliyiin Gogol xaadh u ah Safarka Madaxweynaha oo Addis Ababa tegay

Ethiopia-(Berberanees)-Wafdi ka socda Somaliland oo ay hogaaminayaan Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland, Hassan Kayd, iyo Edna Aden ayaa soo gaadhay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Wafdiga waxa uu u sii gogol xaadhayaa, safarka uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muse Bihi, ku imanayo Addis Ababa.

Madaxweyne Bihi, oo la filayo in uu u safro Addis Ababa, 48 saac ee soo socda, ayaa casuumad ka helay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Safarkii ugu dambeeyey ee Madaxweyne Bihi, uu ku tago Addis Ababa, ayaa ahaa February 2020, markaas oo Ururka Midoowga Afrika shirkoodii uu ka bilaabmayay Addis Ababa.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya,ayaa intii uu xukunka hayay, waxa uu badalay siyaasadii soo jireenka ahayd, ee ay dawlada Itoobiya kula dhaqmi jirtay Somaliland, waxana uu taageeray Madaxweyne Farmajo, dawlada Muqdisho iyo cid kasta oo cadaw ku ah Somaliland.

Xukuumada Somaliland ayaan wax war ah ka soo saarin, socdaalka Madaxweyne Bihi ku imanayo Addis Ababa, mana jiro tafaasiil ka soo baxay safarkaas.