Ma hadhin hadal la is yidhaahdaa

Maxkamadi mar hadii ay go’aan soo
saarto waxaa xigaa waa fulin uun dood kale ma leh waa Ilaahay mahadii mar hadii maanta uu kala badbaadayay dhardhaarkii garsoorku dhinacyadiina ku qanceen

Dhardhaarka labaad waa baarlamaankii oo isagu maanta halkii uu wax ka sixi lahaayeen iyagii dacwooday
Waxaan qabaa hadii golahaa cusub ee wakiiladu inoo hagaago oo at least 60% ay noqdaan dad damiir leh in uun ayaynu rajo leenahay hadii kale muran ayuunbaynu ku jiraynaa.

Cida qudha ee sixi karta xukuumada waa baarlamaanka waa hadii aanay arinkoodo noqon ( conflict of interest)
Oo aanay noqon la jiifiyaana banaan.

Waa muhiim in aynu barano sida loo dacwoodo oo aynaan marwalba isku hanjabin ee cid kasta oo sharci jabin tirsataa ay dacwooto
Xisbiyaduna ay ka koraan (gentleman’s agreement) ay marna ku heshiinayaan inay doorashada si ku galaan marna ku kala baxayaan wixii sharciyana ay raacaan.

Somaliland sanadkan bilowga ah waxaa usoo ifaya fursado diblomaasiyadeed iyo maalgashi.

Waxan fiican in laga faa’iidaysto oo aynu hoos u dhigno muranka dhexdeena ah doorashooyinkana u diyaar garowno mar hadii muwaadiniintiina fursad loo siiyay ay kaga qayb galaan siyaasada dalka oo dabarkii laga furay xisbiyadii xidhnaa shuruudiina laga qaaday.

Aqbalaada qaraarka maxkamada ee lawada soo dhaweeyay yaan wax laga daba tuurin.

Sida aynu la socono waagii dhaweyd ee Trump aduunka kaga qaylisiiyay qaraaradii uu soo saaray ee aduunku ka aad uga yaabiyay waxaa ugu weynaa kii uu kaga mamnuucay dhowr iyo toban dal oo dunida ah inay soo galaan maraykan waxaa si yar oo fudud u jabiyay garsoore maxkamadeed marka dadku sharci dhigtaan waa sidaa.

Dowladnimadeena iyo xisbiyadeenuba waa inay koraan oo waliba qabyaalada ka koraan.

Dan qabiil hadii aad raadiso meel ay taalo soo heli maysid, Dan deegaanse hadii aad raadiso si dhib yar ayad ku helaysaa
Markaa ruux walowba danta degmada aad ku nooshahay ka shaqee maalin dhow deegaamadu way kala  tagayaan.

Ahmed Ali Nuur