Isha Muuqataa waa Aqoonsigii

Jamhuuriyada Somaliland waxay maanta maray marxaladii ugu saraysay ee Aqoonsi Caalamiya inay ka hesho beesha caalamka ka dib markay buuxisay shuruudihii dawladnimo sidoo kalena indhaha caalamka ku kasbatay siday u dhisatay kaabayaashi dalnimo iyo koritaan dawladeed oon indhaha laga qarsan karin

Waxa ka go’an xukuumada iyo shacabka somaliland inay halgan kasta iyo hawl kasta u maraan sidii loo hanan lahaa ictiraaf dalkani helo

Halkan iyo heerkan aynu marayno waxaynu ku soo gaadhnay nabad midnimo wada- tashi wada-jir isu-tanaasul iyo iskaashi

Hadaba si aynu u xaqiijino geediga horumarka dalkeena iyo hayaanka guusha Aqoonsigeena waa inaynu gacmaha isu qabsano meela uga soo wada jeesano sidii aynu u muujin lahayn door muuqdana uga qadan lahayn garab istaaga Aqoonsi raadinta dalkeena.

WQ Maxamuud Warsame Jaamac

Somaliland guul