“Doorashadii madaxtooyada ayaanu u diyaar garoobayna” Fayal C. Waraabe

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa soo dhaweeyay xukunka ay maxkamadu kasoo saartay khilaafkii xeerka furista ururrada siyaasada Somaliland.

Faysal oo aad uga soo horjeeday xeer Lr 14/21 oo ahaa qaybta wax ka badalka iyo kaabista ay ku sameeyeen golihii wakiilada ee hore, ayaa u sacaba tumay in maxkamadu ay laasho Xeer No.14/21 isla markaana dhaqan galiso xeer 14/11 oo horay laysugu aafaqsanaa.

“Waxaanu u aragnaa go’aanka maxkamadu maanta gaadhay in ay guul u tahay qaranka Somaliland, mar haday laashay oo ay waxba kama jiraan ka dhigtay, xeerkii la mul mulaaqay ee khatarta ku ahaa Somaliland, oo ay kusoo noqotay kii ahaa 2011, kaasi oo si qayaxan xuquuqda axsaabta u siinaya layskuna raacsanaa oo marna la isticmaalay” ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in xisbi ahaan ay u diyaar garoobayaan, doorashadii madaxtooyada Somaliland.

“Marka waa guul insha allah, doorashadii madaxtooyada ayaanu u diyaar garoobayna, doorashada kalena madaxwaynaha soobaxa ayay u taalaa” ayuu yidhi Faysal.

Maxkamada dastuuriga ah ayaa laashay xeer ka furista ururrada siyaasada qaybta wax ka badalka ay ku sameeyeen golihii wakiilada ee hore ee xeer Lr 14/21, oo ahaa xeerka muranka siyaasiga ah abuuray, waxayna maxkamadu dhaqan galisay xeer Lr 14/11 oo horay layskugu waafaqsanaa.

Berberanews.com
Info@berberanews.com