Ballan–qaadyada fashilmay ee Burco iyo Gobolka Togdheer

Qabyaa jirta aan la qaban.

Afar sanno ka dib, Shacabka gobolka Togdheer, gaar ahaan deegaannadii sida weyn looga taageeri jiray Xisbiga Kulmiye, ayaa hungo iyo faro madhan ka taagan ballan-qaadyo uu Xisbigaasi u sameeyey doorashadii 2017-kii, markaas oo uu Murrashaxii Xisbiga Kulmiye imikana ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi socdaal olole ah uu ku marayay deegaannada Togdheer.

Ballan-qaadyadan bulshada Togdheer uu u sameeyey ee Xisbiga Kulmiye ee ku qoran Buugga Xisbigaasi ee fashilmay, ayaa waxa ka mid ahaa kuwo Burco gudaheeda laga fulin lahaa iyo kuwo deegaannada kale ah ee Gobolkaas hoos yimaada laga hir gelin lahaa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen waddooyin deegaanno gobolka ka tirsan ku xidhayay magaalo madaxda Burco.

Meelaha hal bowlaha ee ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku fashilantay in ay fuliso ballan- qaadyaddeedii waxa ka mid ah Madaarka Burco oo muddo dheer xidhan, isla markaana ku sugan xaalad dayac ah.

Ballan qaadyada kale, ee Madaxweyne Muuse Biixi u sameeyey dadweynaha reer Burco, wax ka mid ah Biriijka saddexaad ee Burco, oo uu ballan qaaday inuu bixinayo qayb ka mid ah lacagta lagu dhisayo, balse illaa hadda madaxwayne Biixi ma bixin dhaqaalahaasi .

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in uu bixinayo lacag gaadhaysa 1 Milayn oo Dollar oo qayb ka noqonaysa dhismaha Biriijka saddexaad ee  Burco, balse waxa uu bixiyey 80-kun oo dollar oo keliya, sida uu sheegay Mubaarik Bidhi oo ahaa Xildhibaan hore. Biriijkan saddexaad ayaa hadda qabyo ah, isagoo u taagan yabooha lacageed ee madaxwaynaha ku baaqday.

Ballan-qaadyada kale ee uu ku fashilmay Xisbiga Kulmiye afartii sanno ee uu xilka hayey, waxa ka mid ballan-qaadyo Waddooyin muhiim ahaa oo uu u ballan qaaday Dadweynaha ku dhaqan Gobolka Togdheer.

Jidadkan waxa ka mid ahaa Jidka isku Xidha Wadaamo-goo Qorilugud- Biili dhiig, kuwaas oo aan waxba laga qaban afartaasi sanno ee uu Madaxwayne Biixi kursiga fadhiyey, marka laga reebo Carro-tuul ay dadka deegaanku dhigeen.

Ballan qaadyada uu Kulmiye ku fashilmay ee ku jiray buuggiisa, waxa ka mid ahaa dhamaystirka Wadada isku xidha Burco iyo Oodweyne, taas oo dhamaystirkii uu ballan qaaday Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbigiisa aanay waxba ka fulin, isla markaana afar sanno ka dib weli ay tahay qabyadii.

Sidoo  kale  Xukuumadda Kulmiye  ayaa ku fashilantay  dhimsaha  Jidka Isku Xidha Magaalada Burco iyo degmada War-cimraan oo ah waddo muhiim u ah isku xidhka Magaalo madaxda gobolka Togdheer iyo deegaannada hawdka ee gobolkaasi, waxaanay Waddadani ka mid ahayd filashooyinka beenoobay ee Xisbiga Kulmiye u ballan qaaday Reer Togdheer doorashadii 2017-kii oo imika afar sanno laga jooga.

Waxyaabaha kale ee uu Xisbiga Kulmiye u ballan-qaaday gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Burco, waxa mid ahaa Dayactirka iyo Casriyeynta Dugsigii farsamada gacanta ee Magaalada Burco, kaas oo muddada afarta sanno ah ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi taldaa haysay aanay waxba ka qaban.

Isku soo wada duubo afar sano kadib reer  Togdheer waxay taagan yihiin gacmo madhan, ballan qaadyadii ay Kulmiye ugu codeeyeen doorashadii 2017-kii.

Qabyaa jirta aan la qaban.

Af-hayeenka Xisbiga Waddani