QM: 108 qof ayaa lagu dilay duqeymaha cirka oo laga fuliyey Tigray sannadkan

Maqalle   -(Berberanews)-Xafiiska Qarammada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka, ayaa sheegay in ugu yaraan 108 qof oo rayid ah lagu dilay, kuwa kale oo badanna lagu dhaawacay dhowr duqaymood cirka ah oo sida la tuhunsan yahay Gobolka Tigray ee woqooyiga dalkaasi ay ka fuliyeen ciidammada Cirka ee Ethiopia tan iyo bilowgii sannadkan cusub.

Dowladda Ethiopia ayaa dagaalkii ay TPLF kula jirtay badankiisa u bedeshay duqaymo dhanka cirka ah oo ay u adeegsanayso diyaaradaha Droneska oo ay ka hedhay dowlado shisheeye.