Guddiga Tacliinta Sare ee Somaliland oo Sagtooiyey 40 Arday oo Deeq Waxbarasho oo Masters Degree ah ka helay Ethiopia

Hargeysa (BerberaNews)- Guddiga Tacliinta Sare ee Somaliland, ayaa Dalka Ethiopia u diray 40 Arday oo Deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah ka helay jaamacadaha dalkaas, kuwaas oo Waxbarashada Aqoon kala duwan ku soo qaadan doono Shahaadada labaad Masters Degree.

Ardayda oo ay anba-bixiyeen Guddiga Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa munaasibad ugu qabtay Hargeysa ka hor intii aanay u bixin dalka Ethiopia, waxaananu halkan idinku soo gudbinaynaa warbixin maqal iyo Muuqaal ah oo laga diyaariyey Ardaydan.