Wasaaradda Biyaha Somaliland oo ceelal biyood ka kicisay Degmooyinka Sanaag.

Ceerigaabo(Berberanews):-Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa dayactir ku samaysay, isla markaana dib u kicisay ceelasha biyaha ee deegaanada Fiqi Fuliye, Booda Cade, Kulaal iyo Darar Weyne.
Deegaanadan oo gebi ahaantood ka tirsan Koonfurta gobolka Sanaag ayaa waxa gaadhey wefti uu hogaaminaayey isku duwaha wasaaradda Horumarinta Biyaha ee gobolka Sanaag Muxiyadiin Siciid Ducaale, iyaga oo kormeer ku sameeyey ceelasha dib loo kiciyey ee deegaanada koonfurta gobolka Sanaag oo ay waqtigan ka jirto xaalad biyo la’aaneed oo saamayn ku yeelatay dadka iyo duunyada degaamadaas ku nool.
Ugu horeyn waxgaradka iyo shacabka deegaanada Fiqi Fuliye, Booda Cade, Kulaal iyo Darar Weyne ayaa xukuumadda Somaliland, gaar ahaana wasaaradda Horumarinta Biyaha uga mahadceliyey dib u kicinta ceelashan, waxaanay tilmaameen in ay aad ugu baahnaayeen in dib loogu kiciyo ceelashan oo laga bedelay qalab badan.
Dhinaciisana isku duwaha wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ee gobolka Sanaag Muxiyadii Siciid Ducaale oo isna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in ay ceelasha deegaanadaas ka bedeleen dhammaan qalabyadii xumaaday, iyaga oo ku bedelay qalab cusub, waxaanu cadeeyey isku duwaha wasaaradda Horumarinta Biyaha ee gobolka Sanaag in wasaaraddu heegan ugu jirto sidii dadku biyo u heli lahaayeen, maadaama waqtigan lagu jiro xaalad adag oo abaar iyo biyo la’aani jirto.

Berberanews.com
Info@berberanews.com