Qodobbo baallixoofto ah oo koox dhallinyarada xisbiga WADDANI ka soo saareen shir


14-Jan-2022, Hargeysa, Somaliland.
BISMILLAAH
Hargeysa-(Berberanews)-Annaga oo ah dhallinyarada, aqoonyahanka iyo haldoorka beelweynta Garxajis, waxa aannu qoddobbo ka soo saarnay xaaladda siyaasadeed ee dalka Somaliland.

18kii-May-1991-kii, waxa magaalada Burco lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada madax bannaanida Somaliland oo ahaa go’aanka iyo dareenka mideysan ee shacbiga Somaliland iyo halgan dheer oo shacbigu soo galay.

Goonni isutaagga Somaliland waxa sabab u ahaa dulmi iyo caddaalad xumo ka dhalatay midowgii Somaliland iyo Somalia. Mudadii madaxwayne Muuse qabtay talada Somaliland waxa uu abuuray kala qaybsanaan iyo kala irdhayn bulsho.

Waxa intaas u dheer in Madaxweyne Muuse bilaabay ku xadgudubka dastuurka iyo xeerarka dalka oo ka leexday nidaamka dimquraadiga iyo doorashooyinka ee ummaddu heshiiska ku ahayd dalkana geliyey khakhal siyaasadeed. Intaa kaddib, waxa aannu soo saaray war-murtiyeedkan:

1. Waxa aannu si buuxda u taageersanahay madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna Somaliland.

2. Waxa aannu si buuxda u taageersanahay war-murtiyeedkii beel weynta Garxajis soo saartay 10-kii-Jan-2022-kii.

3. Waxa aannu si buuxda u taagersanahay go’aan kasta oo ay qaataan axsaabta mucaaradka ahi ee ay kaga soo horjeedaan dastuur jebinta, xeer jebinta iyo khalkhal gelinta siyaasadda, amniga iyo midnimada Somaliland.

4. Waxa aannu si buuxda u cadaynaynaa in cidda keliya ee meteli karta kuna hadli karta afka beesha ay tahay Guddida Guud ee Garxajis ee loogu doortay gacan libaax 2018kii.

5. Waxa aannu u soo jeedinaynaa in aan maxkamadda dastuuriga ahi qayb ka noqon muranada siyaasadda lana dhawro madax banaanideeda.

6. Waxa aannu si buuxda u taageeraynaa in doorashada madaxtooyada JSL lagu qabto xiligeeda

13-Nov-2022 saddexda xisbi qaranna oo keliyina xaq u leeyihiin in ay u tartamaan, taas oo waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka u yaalla.

7. Waxa is xasuusin mudan in Madaxweyne Muuse ku yimid doorasho sidaana madaxweyne ugu noqday intii codka siisay iyo intii ka codaysayba. Dastuurka ayuu Muuse Biixi Cabdi
madaxweyne ugu noqday tiradii badnayd ee ka codaysay ilaa haddana ugu yahay. Dastuurkii madaxweynaha ka dhigay haddii uu ka leexdo isaga ayaa kalsoonidii iska lumiyey mana jirto wax kale oo uu madaxweyne ku noqon karaa.

8. Waxa aannu ugu baaqeynaa shacbiga Somaliland in ay ilaashadaan midnimada, wadajirka iyo horumarkooda, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo ku xadgudubta dastuurka iyo xeerarka dalka.

ALLAH MAHADLEH