Mid ka mida culimada Hargeysa oo uga digay Xisbiyada ku Dhaqanka Qabyaaladda

Hargeysa -(Berberanews)-Sheekh Maxamed Haybe oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa, ayaa khudbaddii salaadda Jimcaha ee maanta kaga hadlay muhiimadda diinta Islaamku siisay nabadgelyada, sharafta iyo cirdiga qofka, waxaannu ku dheeraaday markasta oo la qaato wax kasta oo aan diinta ILLAAHEY ahayn in laga gaadho muran, isqabsi xumaan iyo ceeb.


Waxaa kale oo uu ka hadlay dimoqraadiyadda lagu heshiiyey iyo qanuunka dad sameega ah ee qofba qodob daliishanayo xangaruufooyinkiisa, isaga oo u soo jeediyey xisbiyada siyaasadda dimoqraadiyadda ay doorteen iyo sharciga ay dhigteen in ay ku kala baxaan, dadkana buuqa iyo qaska ka daayaan.
Sidoo kale, waxa uu bulshada ka wacyigeliyay qabiil ku hadalka, is qabyaaladaynta iyo dhaleecaynta warbaahinta lala taagan yahay.

Sheekh Maxamed Haybe isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi; “Waxa aynu kula talinaynaa walaalaheen cidda kursiga ku fadhida iyo cidda ka maqan in si waayeelnimo ah u wada hadlaan, oo farxadgalinaysaa dadka shacabka ah,  waayeelka, dilaalka xadhigga la kala’haya, ee sayladda marku la tago shanta neef intuu xidho masaariiftiisa xadhiggaasi kula soo baxaya, hadal farad gelinaya ayaa la idinka doonayaa, balse la idinkama doonayo hadal naxdin galinaya, way naxayaan dadku. Dadkaas masaakiinta ah ducadooda ayaa la aqbalayaa, habaarkoodana waa la aqbalayaa. Haddii maalin walba la isku dul qabsado, wax ay noqonaysaa in maalin walba ay qayshadaan oo xagga RABI ay u qayshadaan.

Maaha in uu madax marin kursi jaceyl, ILLAAHEY waxa aynu waydiisanayna abniga iyo nimcada uu ina siiyey in uu ina siiyo shukrigeeda, inoona xasilliyo.

Walaaladeenna muransan ee qabka iyo kursi jaceylku madax maray,  mid doonaya iyo mid ku fadhiyaba ay kala jiidanayaan, ILLAAHEY xaqa ha waafajiyo, dhexdooda ILLAAHEY uu wanaag iyo walaaltinimo dhigo.”

“Nimcooyinka ILLAAHEY bixiyo waxa ka mid ah ta amniga, xoog laguma keeni karo, xoogna laguma hayn karo, waa gallad iyo nimco ILLAAHEY uu bixiyay.
Amniga iyo risiqu way isku xigaan, gaajada iyo cabsiduna way isku xigaan, abni marka la helana weynaan xagga risiqa ahba la helaa.
Waxa baraha bulshada la isu marinayo ama siyaasiyiin haku hadlaan, ama mid kursi ceshanaya haku hadlo, ama ku kursi doonaya haku hadlo, isha uun laga daawan maayo ee midhka munaasibka ahba laga odhan.

Waxa lagu qurux badan yahay waa amniga, waxay gaadhay maanta qabyaaladda iyo siyaasaddu meel kasta oo la isugu yimaad in lagaga hadlo, ilaa minbarkaa Masaajidka mooyaane. Iyadana waxaan ka cabsi qabaa in Mimbarrada Masaajidada lala soo fuuli doono, xisbiyo iyo qabiil, in lala soo fuuli doono halkan haddii ay sidaasi ku sii socoto oo aan la joojin, oo Mimbarkii Nebigu CWS, uu diinta kaga hadli jiray iyo arrimaha muhimka ah, in qabiil iyo xisbi iyo haddii aannu xisbi hebel nahay in lala soo fuuli doono ayay khatar ugu jirtaa.

Walaalayaal nimcada ILLAAHEY shukri ayay mudan tahay, hore waxa loo yidhi nin weyni waxa uu yidhaa waa dardaaran waxa uu cunaana waa jal. Haddaba in badan oo dadka maanta ka mid ah sifada kuma sifeysna.

Waxa maanta bilaabantay in la is caayo. Rasuulkeennu SCW, waxa uu yidhi qofka Muslinka ah oo la caayo waa fallaago iyo daaco ka bax, sharaf dilkiisuna waa dhaqan gaaleed.

Walaalayaal colaadaha in badan oo dalalka, dadku waxa ay xusuusanayaan gawdii iyo gariirkii hore iyo dakharradii aan sida wanaagsan u bogsoon, ayay dareemayaan, waar halaga daayo dadka hadalka aan munaasibka ahayn.

Waa kaas dadkii la kala qaybiyey, waxayna u qaybsameen mucaarid iyo muxaafid wax la yidhaa, waana qayb aan ILLAAHEY addoomihiina mu’miniinta ah u oggolayn, ALLE SWT waxa uu leeyahay ha tafaraaruqina, oo hays khilaafina, marka la tafaraaruqo ee la is khilaafo xagga lagu  kala baxaya ee loo noqonayaa waa ILLAAHEY diintiisa, arrintaasi maanta ma jirto, qodobbo ayaa la isu daliishanayaa, qodobka intaayad, xarafkiisa B, xarriijin, jiitin, waa kalmadaha inta badan aynu maqalo, nin waliba waxbu daliishanayaa.
Walaalayaal waa arrin khatar ah in waagii baryaba dadku cay isla daba joogaan, oo dadkuna ay qaybsamaan, oo ummadda gabigeeduba ay noqoto mid xil ceshanaya iyo mid xil doonaya, ‘waar xilku wax lagu ordo maaha, ka hayaana dhibaato ayuu ku qabaa, oo masuuliyad badan ayaa saaran, ka ku socdana dhibaato badan ayaa ka horraysa.

Waxa ay hadda arrintu gaadhay in hooyooyinka iyo soddohuhu ay warbaahinta ka hadlaan waa nasiibdarro. Ka ugu sharafta badan leh waa ka ALLE agtiisa ugu ALLE ka cabsiga badan.
Waxa aynu u baahannahay in halka aynu joogno maanta kor uga soconno, xagga horumarka maadiga, xagga amniga, xagga waxbarashada, xagga dacwadda, taasna in aynu ku fikirno, balse waxa muuqanaysa in badan oo innaga mid ah xigmadda kursigu khatarteeda ayey leedahay, ka ku fadhiyana khatar ayay ku tahay, ka ku socdana khatar ayay ku tahay, Nebiga NNKHA dardaaranadiisii waxa ka mid ahaa in aanay dadku kursiga ku yaacin. Meel lagu yaaco maaha, is jiidadka la iskala jiidanayo ayaa waxyaabaha amniga wax u dhimaya ka mid ah,” ayuu yidhi Sheekh Maxamed    Haybe.

Berberanews.com
Info@berberanews.com