Maxay tahay Tacsida Erdogan u diray Madaxweynaha Israaiil?

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu tacsi u diray Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog oo hooyadii ay dhawaan geeriyootay.

Erdoğan ayaa marar hore si kulul u dhaleeceeyay Israa’iil, gaar ahaan xilliyada ay socdeen colaadaha Gaza, waxaana dhowr jeer go’ay xidhiidhka diblomaasi ee u dhexeeya Ankara iyo Tel Aviv.

“Anigoo si wanaagsan u og in aanay cidna buuxin karin booska hooyo, waxaana si kal iyo laab ah kuula qeybsanayaa murugada, tacsi ayaanba kaaga wadaa qarankeyga,” ayuu Erdogan u sheegay madaxweynaha Isra’iil, sida uu baahiyay wargeyska Daily Sabah.

Erdogan ayaa mudooyinkii dambe waday dedaallo lagu hagaajinayo xidhiidhka Turkiga iyo Israa’iil, waxaana kulan uu dhammaadkii bishii December la yeeshay hogaamiyayaasha diinta ee Yuhuudda dalkiisa ka sheegay in xidhiidhka labada waddan uu muhiim u yahay xasilloonida gobolka.

Aura Herzog oo dhashay madaxweyne Isaac Herzog ayaa horraantii todobaadkan geeriyootay iyadoo 97 jir ah.

Waa tuma Aura Herzog?

Waxaa u dhaxday madaxweynihii lixaad ee Israa’iil, Chaim Herzog, waxayna dhashay madaxweynaha haatan, Isaac Herzog.

Waxa ay ku dhalatay Masar, kadib markii qoyskeeda laga soo barakiciyay magaalada Jaffa oo ay dagaalkii koobaad ee dunida gacanta ku hayeen ciidamadii Turkida.

Shahaadada koobaad ee jaamacadda ayay ka qaadatay Koonfur Afrika iyadoo baratay xisaabta iyo fisikiska, kadibna waxay sanadkii 1946 u wareegtay Israa’iil, halkaas oo ay ku biirtay xooggagii Hagana.

Sanadkii 1947 ayaa waxaa guursaday Chaim Herzog oo dhalay madaxweynaha haatan ee Israa’iil.

Intii uu socday dagaalkii koobaad ee lagu asaasay Israa’iil, waxa ay Aura ka tirsanayd sirdoonka milateriga.

Dhaawac xooggan ayaa ka soo gaadhay qarax lagu weeraray Guriga Hay’adaha Qaranka ee Qudus sanadkii 1948.

Waxa ay hogaamisay hay’ado kala duwan oo ay leedahay dowladda Israa’iil iyo kuwo aan dowli ahaynba.

Aura iyo Chaim Herzog waxa ay isu dhaleen afar carruur ah oo uu kamid yahay Isaac oo hadda ah madaxweynaha Israa’iil. Walaalkii Michael waa safiirka Israa’iil u fadhiya Maraykanka.

@Bbc Somali