“Madaxweyne Muuse ma aha Cali Samatar”Xidhiidhiyaha Waddani ee Yurub iyo USA

USA-(Berberanews)-Xidhiidhiyaha Xisbiga Waddani ee Qaaradaha Yurub iyo Waqooyiga America Cismaan Cumar Dool, ayaa taageerayaasha xisbiga ee Maraykanka u diray gubaabo iyo dhiirigelin lagu soo dhawaynayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo la filayo inuu safar ki tago.

Cismaan Cumar Dool waxa uu ka waaniyay taageerayaasha Xisbiga wax kasta oo wax u dhimi kara Qaddiyadda Somaliland.

Qoraalka Dool, ayaa u qornaa sidan;-

“Ku: Jaaliyada Reer Somaliland ee Degan Dalwaynaha Maraykanka (USA).
OG: Taageeayasha Xisbiga Waddani ee dalka Maraykanka (USA).

Mudanayaal iyo Marwooyin waxaa la hadal hayaa safar uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku imanaayo dalka aad degan tihiin ee USA.

Waxaan idinka codsanaynaa oo weliba aan si gaara uga sii codsanaya Bahwaynta Xisbiga Waddani in aad Madaxweynaha u soo dhawaysaan sida uu u qalmo oo ah oo in uu yahay Madaxweynihiinii dalkeena.

Xaasha iyo Ceeb in aad iska daa Mudaharaade hadal xun ku tidhaahdaan Madaxweynaha
Lama kala dhiman waxa laysku hayo waxa ka wayn waxa laysku hayo iyo berito. Doorasho iyo ilaalin sharci ayaa laysku hayaa, maati lama xasuuqin!!!!!!

Madaxweyne Muuse Biixi ma aha Cali Samatar. Yaan la qaldamin oo aan buundooyinka oo dhan la jarin.

Geesta kale Doorashada Madaxweynaha maalin dib uma dhigi karo. 13 Nov. Weeye

Alla Mahad leh
Osman Omar Dool
Xidhiidhiyaha Xisbiga Waddani ee Qaaradaha Yurub iyo Waqooyiga America.