“Goolka guusha waxaan u hibeeyay aabahay”Max Gradel

Cayaaraha-Max Gradel oo u ciyaara xulka qaranka dalka Ivory Coast ayaa sheegay in goolkii guusha ee uu kooxdiisa u dhaliyay, kagana badiyeen xulka dalka Equatorial Guinea in uu u hibeeyay aabihii oo todobaadkii hore geeriyooday

Gradel oo guushiisa ay kooxdiisa u suurtogalisay in ay ka gudbaan horrinta E ayaanay u suurtogalin in uu ka qeybgalo aaska aabihii ciyaaraha Qaramada Afrika ee socday awgood.

“Waa isku jirka shucuur murugo leh iyo mid farxadeed oo isku mar ah” ayuu BBC-da u sheegay ciyaaryahankani.

“Waan ku faraxsanahay in aan gool u dhaliyo aabahay iyo dadka reer Ivory Coast oo dhami, waxaanan rabaa in aan mahadsanid ku idhaahdo taageerada ay siiyeen aniga iyo xubnaha kale ee xulkaba” ayuu intaasi raaciyay.

Ninkan horey ugu ciyaari jirey kooxaha Leeds iyo Bournemouth ee Britain ayaa dadka dalkiisa ka codsaday in ay isaga ku metelaan aaska aabihiis, halka isaga uu iyaga ku metalayo koobka qaramada Afrika.

Goolkii af biloowga ahaa ayuu u dhaliyay si cajiib ah kooxdiisa, iyada oo ciyaarta ay markaasi socotay 5 daqiiqo oo keliya. Isaga oo kubbadda ka laaday meel 20 mitir u jirta goolka.

Maalinta axadda waxa ay la ciyaari doonaan kooxda dalka Sierra Leon oo ay ku wada jiraan horrinta E.

Kooxda maroodiyada ayaa 20 ka bisha ay iska hor iman doonaan kooxda Aljeriya, ciyaartaas oo go’aamin doonta cidda kasoo baxaysa horrintan E.

Xiddigii hore ee Ivory Coast Didier Drogba ayaa aad ugu farxay goolka iyo guusha , wuxuuna ku tilmaamay bilow wanaagsan, “muhiim ayay ahayd in ay seddexda dhibcoodba qaataan”.

@Bbc Somali