“Diyaar ayaynu u nahay in kursiga kula kala wareegno inagoo xasiloon” Wasiir Koore

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koor, ayaa sheegay in xukuummaddu diyaar u tahay in si nabadgelyo ah lagu kasbado kurisga looga taliyo dalka, balse ka digay in aan boqnaha lays goyn ee nabadgelyada la ilaaliyo.

“Waxaana aan leeyahay oo ka digayaa in aynaan inagu boqnaha isgoyn, inta aynu hanaanka ku jirno, diyaar ayaynu u nahay in kursiga kula kala wareegno  inaga oo xasiloon,  inaga oo raacayna wadooyinkii hore ee la soo maray, waxa khasab nagu ah ka Xukuumad ahaan in aanu nidhaahno waad ku mahadsantahay, qof kasta oo reer Somaliland ah oo kelmad u yidhaahda Nabada iyo wada noolashaha Umadda Somaliland,”.Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Calo Koore  ayaa  sidaa sheegay.Sulayman Yusuf Koore