Safiirka Ethiopia oo booqday Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Ambassador Siciid Maxamed Jibriil iyo Military Attache-ga Safaaradda Colonel Dessalegn Asfaw ayaa xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Abdiqani Mohamoud Aateye.

Wasiirku ma sheegin waxyaabaha ay ka wadahadleen madaxda Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa, inkasta oo booqashadani ay ku soo beegantay xilli xaasaasi ah oo mandaqadda Geeska Afrika ay ku loollamayaan quwadaha waawayn ee dunida, gaar ahaan Maraykanka iyo Shiinaha.

Dhinaca kale, Madaxwaynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mud. Mustafe Cagjar ayaa saaka bartiisa Twitterka ku sheegay in madaxda sare ee nabadgalyada u qaabilsan ismaamulku ay kulan ku yeesheen saaka xafiiskiisa, kaasi oo ay kaga hadleen arimaha taagan waqtigan ee gudaha ismaamulka, kuwa mandaqadda, iyo sidii looga jawaabi lahaa abaaraha. Waxa kale oo kulankaasi looga hadkay muhiimadda wadahadalka iyo abqaadkiisa ayuu ku qoray Twitterka.
Toddobaadkii hore, warbaahinta Maraykanka ayaa baahisay in Raiisal Wasaaraha Itoobiya uu qorshaynayo in uu ku soo duulo oo qabsado magaalo xeebeedda da’da wayn ee Saylac oo dhacda xeebta galbeed ee Somaliland, iyadoo warkaasi ilaa hadda aanay beenin, kana hadal Xukuumadda Raiisal Wasaare Abiy Ahmed.
2018 ayey sheegeen Itoobiya iyo madaxwaynaha xilkiisii dhammaaday ee Somalia inuu u oggolaaday in ay isticmaasho 4 dekedood oo ku yaal dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo Jamhuuriyadda Somaliland ku jirto.