Guantanamo-(Berberanews)-Mareykanka ayaa ansixiyay sii deynta shan maxbuus oo kale oo laga sii daayay xabsiga Guantanamo Bay.
Saddex ka mid ah shanta maxbuus ayaa u dhashay dalka Yemen, midna waxa uu u dhashay Soomaaliya, halka kan kalena uu ka soo jeedo Kenya, sida ku cad dukumentiyada ay wasaaradda difaaca ee Maraykanku soo dhigtay todobaadkan.
Isku soo wada duuboo, nimanka ayaa tobanaan sano ku qaatay xabsiga loo furay labaatan sano ka hor maxaabiista waxa loogu yeedho “dagaalka argagixisada” kadib weeraradii al-Qaacida ee Sebtembar 11, 2001.
39ka maxbuus ee hadda lagu hayo xarunta Maraykanka ee Cuba, 18 ka mid ah ayaa la oggolaaday in la sii daayo, ka dib dib u eegista kiisaska bilihii Nofembar iyo Disembar.
18-kan nin ayaan wax dambi ah lagu soo oogin, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.
Shanta nin ee dhawaan la ansixiyay in la sii daayo ayaa kala ah: Guuleed Xasan Axmed (oo loo yaqaan Guuleed Xasan Duraan); oo dhalashadiisu tahwy Somali; Kenyan Mohammed Abdul Malik Bajabu; iyo Cumar Muxammad Cali al-Rammah, Moath Hamza al-Alwi, iyo Suhayl al-Sharabi oo u dhashay Yemen.
Xasan Duraan, sida ay sheegeen qareenadiisu, wuxuu noqonayaa maxbuuskii ugu horreeyay ee laga keeno Guantanamo oo lagu taliyay in la sii daayo, New York Times ayaa sidaas sheegtay salaasadii.
Guddiga Dib-u-eegga Muddada ee Pentagon-ka waxay ogaadeen in dhammaan shanta nin aan la soo bandhigin wax muujinaya inay khatar ku yihiin Mareykanka.
Berberanews.com
Info@berberanews.com