Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay Kuuriyada Waqooyi

USA-(Berberanews)-Maamulka Biden ayaa Arbacadii ku soo rogay cunaqabateyntii ugu horeysay ee barnaamijka hubka ee Kuuriyada Waqooyi ka dib dhowr gantaal oo Kuuriyada Waqooyi ay riday, tan iyo todobaadkii hore.

Cunaqabataynta ayaa lagu badhtilmaameedsaday lix qof oo u dhashay Kuuriyada Waqooyi, mid Ruush ah iyo shirkad Ruush ah, Washington ayaa sheegtay in ay mas’uul ka ahaayeen soo iibinta alaabo loogu talagalay barnaamijyada laga soo bilaabo Ruushka iyo Shiinaha.

Khasnadda Mareykanka ayaa sheegtay in tallaabooyinka looga golleeyahay in looga hortago horumarinta barnaamijyada Kuuriyada Waqooyi iyo in la carqaladeeyo isku daygeeda ku aaddan faafinta tignoolajiyada hubka.

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku guuldareystay inuu wadahadal la galo Pyongyang si uu uga dhaadhiciyo inay ka tanaasusho bambaanooyinka Nukliyeerka ah iyo gantaalada tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii January ee sanadkii hore.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in Washington ay weli ka go’an tahay in ay diblumaasiyad la sameyso Kuuriyada Waqooyi.

“Wixii aan aragnay maalmihii la soo dhaafay…waxa ay hoosta ka xariiqeen oo kaliya in aan aaminsanahay in haddii aan horumar gaadhno, in aan u baahannahay in aan ka qayb-galno wada-hadalladaas,” ayuu ku sheegay shir jaraa’id oo uu u qabtay.

Waaxda maaliyadda ayaa sheegtay in cunaqabateyntan ay daba socotay lix gantaal oo Kuuriyada Waqooyi ay riday tan iyo bishii Sebtembar, kuwaas oo mid walba uu jabiyay qaraarrada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ku-xigeenka Xoghayaha Maaliyadda ee Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadeed Brian Nelson ayaa sheegay in tillaabooyinka lagu badhtilmaameedsaday Kuuriyada Waqooyi “sii wadida isticmaalka wakiilada dibadda si ay si sharci darro ah u soo iibiso alaabada hubka.”

Tijaabooyinka Kuuriyada waqooyi ee ugu danbeeyay waxay ahayd cadeymo dheeri ah oo muujinaya in ay sii wadeyso horumarinta barnaamijyada mamnuuca ah in kasta oo beesha caalamka ay ku baaqdey diblumaasiyad” Nelson ayaa ku yidhi hadal uu soo saaray.

Berberanews.com
Info@berberanews.com