Guddiga bixiya Billadda Nabadda Adduunka ee Nobel oo digniin u diray Abiy Ahmed

Oslo   -(Berberanews)-Guddiga Billadda Nabadda Adduunka Nobel-ka ee dalka Norway, ayaa ku biiray codadka caalamiga ah ee ugu baaqaya ra’iisul wasaaraha Itoobiya inuu soo afjaro dagaalka sokeeye ee 14-ka bilood ka socda dalkaas.
Bayaan ay soo saareen ayaa lagu sheegay in Abiy Axmed – oo ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel 2019 – ay masuuliyad gaar ah ka saaran tahay sidii loo soo afjari lahaa dhiigga daadanaya.
Hal sanno uun ka dib markii uu ku helay abaal-marintan soo afjaridda dagaalkii dheeraa ee dalkiisa ka dhexeeyey Eritrea, Mr Abiy waxa uu diray ciidammo la dagaallama fallaagada woqooyiga Gobolka Tigray.
Dagaalkaas ayaa malaayiin qof ku qasbay inay guryahooda ka baxaan. Dawladda ayaa lagu eedeeyaa in ay horistaago gargaarka bani’aadannimada, waxaana marar badan soo baxay eedeymo ku saabsan gabbood-fallo ay geysteen dhammaan dhinacyada qaybta ka ah dagaalkaas.
Afhayeenka Mr Abiy, Billene Seyoum ayaa hore u sheegay in abaalmarinta nabadda ee Nobel aanay ahayn “ma aha xakame ku qabanaya marka dalka la soo weeraro.”

Baaqyada Guddiga ayaa la filayaa inay kordhiyaan cadaadiska lagu doonayo in xal nabadeed laga gaadho dagaalka.

Saddexdii sanno ee uu talada Itoobiya hayey Abiy Axmed waxa qaybo kala duwan oo dalkaas ah ka dhacay weerarro lala beegsaday dad shacab ah.
Ra’isal wasaaruhu mar uu la hadlayey baarlamaanka wuxuu sheegay dagaalka Tigraay ee u dhexeeya dawladda dhexe iyo TPLF ka sokow, muddo laba sanno ah iney gudaha dalka Itoobiya ay ka dhaceen 113 dagaal. Dagaalladaasi oo uu sheegay inay ka dhasheen khasaare naf iyo maalba leh.

“Toddobaad kasta dagaal ayaa dhacayey, dawladdana shaqadeedu waxay ahayd iney meel walba ku oydo, aas walbana ay ka qaybgasho,” ayuu yidhi.

Isaga oo dagaalladaasi oo dhan ku eedeeyey TPLF iney ka dambeeyeen. Inkasta oo uu ra’isal wasaaraha sidaa yidhi, haddana xilligan oo ay awoodda TPLF aad u wiiqantay weli waxa dalka Itoobiya ka dhaca weerarro lagu bartilmaameedsanaya shacab aan waxba galabsan.
Degaanka Benishaangul Gumuz degmada Metekel Dibaate laba bilood ka hor waxa lagu dilay 82 qof oo rayad ah, sida ay BBC u sheegeen dad goob joogayaal ah.
“Bil ka hor weerarkaas Degmada Bulan ee degaanka Benishaangul waxa lagu dilay 207 qof oo rayad ah,” ayuu yidhi Komishanka Xuquuqda Aadanaha.
Tusaale ahaan seddexdi maalmood ee ka dambeeyey dilkii loo geystay fannaankii weynaa Hachaaluu Hundheesaa in ka badan 123 qof ayaa la dilay, iyada oo dilka dadkaasi ay ka qaybqaateen laamaha ammaanka iyo dad rabshado sameynayey oo ka cadhaysnaa dilka fannaanka.

Degaannada Amxaarada, Sidaama iyo Shucuubta Koonfureed waxa ku dhintay dad aad u badan.

Intaa kaddib muddadi uu Abiy xilka hayey waxa dhacay dilal loo geystay saraakiil ciidan iyo madaxdii degaanka Amxaarada.

Guud ahaan dawladda Itoobiya saddexdii sano ee la soo dhaafay tallaabada ay u qaadday nabadda iyo xasilloonida dhinacyo kala duwan waxa kaga imanaya cambaareyn xooggan.
Hadda ka hor yaa ku guulaystay Billadda Nabadda Adduunka?

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama ayaa ku guuleystay 2009-kii doorkii aan caadiga ahayn ee uu ka qaatay diblomaasiyadda caalamiga iyo wada shaqeynta shucuubta adduunka.”

Dadka kale waxa ka mid ah gabadha u dhalatay Pakistan ee u dhaqdhaqaaqda arrimaha waxbarashada gabdhaha Malal Yousufzai oo ku guuleystay 2014-kii. Midowga Yurub aya ku guuleystay 2012-kii, Kofi Anan ayaa ku guuleystay 2001.

Waa kuma Abiy Axmed?
Markii uu Ra’iisal wasaare noqday bishii April 2018-ka Mr Abiy ayuu isbeddello badan ka hirgeliyey dalkiisa oo loo arkayay qaran ay dawladdu gacan bir ah ku haysay.

Tan iyo inta uu hoggaanka dalka Itoobiya uu qabtay Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed waxa sannadkii ugu horreeyey dalkaas ka socday isbeddello dhinacyo badan taabanaya.

Kumannaan maxaabiis ah ayuu sii daayay oo u badnaa mucaarad. Kuwa kale oo dibad joog ahaa ayaa dalka dib ugu soo labatay. Wuxuu soo afjaray colaaddii muddo 20 sanno ah dalkiisa ka dhexeysay Eretria.

Dr Abiy Axmed oo wax laga weydiiyey sarreynta sharciga hirgelintiisa iney xukumaddiisu dhibaato kala kulantay, taasina ay sababtay dhimasho iyo barakac aad u badan oo dhan walba ka dhacay.