Faysal oo ka digay Masiibo ka iman karta dhallinyarada Baarlamaanka ku cusub

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay munaasib ahayn wakhtigan inay Baarlammaanka yimaadaan dhallinyaro.

Eng. Faysal waxa uu ku eedeeyay dhallinyarada kusoo baxday Baarlamaanku iyagoo aan akhriyin shuruucdii iyo Distuurkii ay makarafoonnada la wada boodeen.

“Dhalinyarta timid Baarlamaanka wakhtigay iman lahaayeen maaha markii la soo saaray durba waxa ay ku ka cayaan waydikaa arkaya,
iyaga oo dastuurkii akhriyin ayay wada mikirifoon wada qaateen, dhibaatadaas ayaa ina haysata,axsaabta ha, inaga qabiilaynina hadaynu axsaabta qabiil ku sheegno oo reerka uu ka soo jeedo siino, Dawladana qabiil ayaynu ku sheegi doonaa,”.Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe.