Muqdisho: Khasaaraha qarax aad u culus oo lala beegsaday saraakiil Qarammada Midoobay

Muqdisho  -(berberanews)-Faahfaahinno hordhac ah, ayaa ka soo baxaya khasaaraha ismiidaamin ah aad u weyn oo lala beegsaday kolanyo gaadiid ah ay wateen saraakiil ka tirsan Qarammada Midoobay oo marayey oo meel u dhow xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho duhurkii maanta.
Qaraxan oo ahaa mid loo adeegaaday gaadhi laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada, ayaa lala eegtay kolanyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya.

Qaraxa ayaa geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay dad shacab ah oo goobta ka agdhawaa iyo qaar ka mid ab askar la socday kolanyada qaraxa Ismiidaaminta ah lala eegtay.

Xogo hordhac ah oo laga helay khasaaraha weerarka oo ahaa mid aad u culus ayaa tibaaxay in ugu yaraan 14 qof oo isugu jira askar iyo dad shacab ah ku dhinteen, tiro intaas ka badanna ku dhaawacmeen, sidoo kalena waxa jira burbur xooggan oo gaadhay guryo iyo gaadiid fara badan oo ku gubtay qaraxa.

Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka ismiidaaminta ah, kaas oo ay xuseen inay sheegeen in la beegsadeen kolanyo gaadiid ah ay wateen saraakiil caddaan ah.
Al-shabaab ayaa bartooda internetka ku sheegtay in mid ka mid ah gaadiid ay wateen saraakiil caddaan ah  yu qaraxa ku burburay, isla markaana waxyeello xooggan gaadhsiiyeen, inkastoo aanay shaacin khasaaraha rasmiga ah ee dhimashada.

Ma jiro rto wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha ammaanka dawladda Soomaaliya oo ku aaddan qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho.