DHULKAAGA JOOG! IGA JOOG!

Gobolada  Alabama, Alaska, Arizona, Arkansas, Florida, Georgia, Idaho, Indiana, Iowa, Kansas, Kentucky, Louisiana, Michigan, Mississippi, Missouri, Montana iyo Nevada ayaa waxa ka jira sharciga loo yaqaan” Stay on Your Ground!” Ama ” Halka Aad joogtid Joog”.

Sharciga ” Stand on Your Ground” waxa uu kuu fasaxayaa in aad toogan kartid qofka soo galay meel aad leedahay sida gurigaaga, beertaada, daaradaada, ama meel kasta oo aad si gooni ah aad u leedahay.

Qofkaas hadii aad toogato, ma jiro sharci ku qabanaya, oo lagugu gayn karo maxkamad.

American Enterprise Institute oo ah machad ka dhisan Washington DC ayaa todobaadkan sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi uu muujiyey geesinimo ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Fariinta Muse Bihi oo ay qoreen Newsweek ayaa ah ” Waxa aan nahay daris, hadii aanad aqoonsanayn wadankayga, waxa aan rajaynayaa in dhawaan aan ka mid noqono beesha caalamka, ka hor amaan i sii, hadii aanad ii baahnayn ana kuuma baahni”.

Hadii aanad ii baahnayn, ana kuuma baahni, ma aha mid khusaysa Abiy oo kaliya, laakiin waxa ay khusaysaa dawlad kasta oo hore u xaqiri jirtay Somaliland.

Sida ay sheegeen AEI, ma aha oo kaliya in Muse Bihi uu Itoobiya oo kaliya uu ku isticmaalay sharciga ah Stay on Your Ground, ee waxa uu isla sharcigaas ku isticmaalay Shiinaha.

Taas waxa ay keentay in Maraykanka uu ugu abaalgudo Madaxweyne Bihi in si maamuus leh loogu casuumo Guriga Cad.

Waxa dadka oo dhan ay sugayaan safarka Madaxweyne Bihi uu ku tagayo Washington, laakiin mid ayaan u baahnayn in laga doodo, taas ayaa ah in dadka Somaliland ay doorteen madaxweyne leexiyey halis badan oo baabiin lahayd jiritaankooda, sharaftooda iyo ciziga ay u baahanyihiin qaran in ay ku noolaadaan.

WQ Axmed Adan