Ruushka oo sheegay guushii uu ka gaadhay difaaca Kazakhstan

Kazakhstan-(Berberanews)-Ka dib markii in ka badan 160 qof ay ku dhinteen rabshadihii ugu ba’naa tan iyo markii Kazakhstan ay xornimada qaadatay in ka badan 30 sano ka hor, madaxweynaheedu ayaa Isniintii ku tilmaamay mudaaharaadyada “isku day afgambi”

iyada oo Ruushku uu sheegay in uu ku guuleystay inuu difaaco deriskiisa Badhtamaha Aasiya.

Kassym-Jomart Tokayev oo la hadlayay kulan online ah oo ay yeesheen Ururka uu hoggaamiyo Ruushka ee Nabadgelyada Wadareedka ayaa sheegay in kala danbayntii lasoo celiyay.

Tiro badan oo muwaadiniin ah iyo in ka badan 12 askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa la dilay todobaadkii hore ka dib markii ay ka soo horjeesteen qiimaha shidaalka oo kacay, halka ku dhawaad ​​8,000 oo qof la xidhay.

“Iyadoo la qarinayo mudaaharaadyo iskiis ah, mowjado rabshado ah ayaa bilaabmay… Waxaa caddaatay in ujeeddada ugu weyni ay tahay in la wiiqo nidaamka dastuuriga ah iyo in awoodda lala wareego. Waxaan ka hadleynaa isku daygii afgambi,” ayuu Tokayev u sheegay CSTO, oo ciidamo u dirtay Kazakhstan markii ay dhibaatadu dhacday.

Madaxweynaha Kazakhstan, oo ku eedeeyay qalalaasahaas inay ka dambeeyaan “budhcad iyo argagaxiso” oo ay shisheeyuhu soo tababareen, ayaa sheegay in howlgal ballaadhan oo “la-dagaalanka argagixisada” uu dhawaan soo afjari doono, iyadoo ay weheliyaan CSTO-da la dirayo, oo uu ku sheegay inay gaadhayaan 2,030 askari iyo 250 qalabka ciidanka ah.

Berberanews.com
Info@berberanews.com