Dadka ka soo jeeda Somaliland ee xilal Sarsare Caalamka ka haya

Nimco Ali, Latalitaha Wasaarada Arimaha Gudaha Ingiriiska (UK Home Secretary) Dhinaca Tacadiyada Haweenka

Nimco Ali, waa haweenay da’yar oo si wayn ugu dhaqdhaqaaqda la dagaalka gudniinka haweenka guud ahaan  dunida.

Dhinaca kale, Nimco Ali waa xubin firfircoon oo ka tirsan xisbiga haatan haya talada UK  ee Conservative ka, waxa intaas u sii dheer Nimco Ali, waxa saaxiib dhow la ah  Raiisal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson iyo Xaaskiisa Carrie, kuwaasi oo caruurtooda ku gardaadiya Nimco Ali. Boris Johnson iyo Afadiisa Carrie ayaa codsaday in Nimco Ali aanu qaban karin xayiraadaha COVID-19 ka oo dalka UK sida xoogan looga hirgaliyay gaar ahaan marka ay Nimco imanayso xafiiska iyo guriga uu degan yahay Raiisal Wasaarahu No. 10 Downing Street London. Nimco Ali waa shaqsiyad u banbaxday u dagaalanka Xuquuqda Aadamiga guud ahaan dunida.

Hamse Warfa ayaa Madaxwaynaha Maraykanku u magacaabay in uu noqdo la taliyaha sare  Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka ee Horumarinta Dimuquraadiyada iyo Xuquuqda Aadamiga Adduunka iyo Maraykanka Gudihiisa.

Warfaa ka hor xilkan cusub ee loo magacaabay waxa uu ahaa masuulkii Soomaali ah oo xilka ugu sareeya ka hayay xukuumada heer gobol isagoo ahaa ku xigeenka Madaxa xafiiska horumarinta cududa shaqaalaha gobolka Minnesota.

Magacaabista Biden ayaa Warfaa ka dhigaysa in uu markale noqdo” masuulka  ugu sareeya ee Somali American ah oo xil ka qabta Xukuumada Maraykanka  heer Federaal”. Hamse Warfaa waxa uu ku dhashay Caasimada Somaliland ee Hargeisa.

Dhinaca kale, Madaxwzynaha Tanzania  Miss Samia Hassan ayaa Todobaadkan u magacwaday Hon. Hussein Bashe, in uu noqdo Wasiirka Beeraha Dalka Tanzania, isagoo mudo dheer soo ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Beeraha dalkaasi, xilkaasi oo uu u magacaabay Madaxwaynahii hore ee Tanzania Mugafi, Hon. Bashe ayaa sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan golaha Baarlamaanka Tanzania, dhinaca kale waxa uu ka soo jeedaa Hon Bashe qoys hanti badan ku leh dalka Tanzania.

Hon. Hussein Bashe, waxa lagu xasuustaa damiciisii ahaa in uu u tartamo xilka Madaxwaynaha Tanzania  ka hor intii aanu si kadis ah u dhiman Madaxwaynahii hore ee Tanzania Mugafi.

WQ Saleebaan Xuquuq