Beled Xaawo: Askari ka tirdanaa Ciidanka Dowladda oo lagu qisaasay Fagaare

Somalia-(Berberanews)-Maxkamadda Ciidammada Somalia, ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo horay u dilay qof shacab ah oo ka mid ah dadka reer Beled Xaawo.

Askariga xukunka toogashada ah lagu fuliyay; Cabduqaadir Faarax Dhaqane ayaa horay u dilay marxuum lagu magacaabi jiray Mowliid Baashe Cumar oo ka mid ahaa farsamayagaanada cilad bixiya gaadiidka.

Xukunka toogashada ah ayaa ka dhacay goob fagaare ah oo ku taala degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo, waxaana ku sugnaa goobta ehelada labada dhinac ee kala ahaa askariga dilka lagu fuliyay iyo kuwa qisaasta loo fulinaayay iyo dadweyne kale oo usoo daawasho tagay.

Dilkaan toogashada ah ee maanta ka dhacay Baled Xaawo ayaa kusoo beegmaya xili shalay degmada Luuq ee isla gobolka Gedo dil noocaan oo kale ah Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ay ku fulisay askari kale oo ka tirsana ciidamada dowladda oo horay u dilay qof shacab ahaa.

@Hiiraan