Masar oo albaabada u laabtay ururkii u danbeeyay ee Xuquuqak-insaanka

Egypt-(Berberanews)-Mid ka mid ah hay’adaha xuquuqul insaanka ee ugu dambeeyay ee Masar ayaa albaabada loo laabay, sida lagu sheegay bayaan ay kooxdu soo saartay.

Dowladda Masar ayaa sanado badan ku howlaneyd olole ballaadhan oo ka dhan ah mucaaradka kaasoo cabbudhiyay qaar badan oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ah ee dalkaas, kumanaanna xabsiga la dhigay.

Shabakadda Carabiga ee Macluumaadka Xuquuqul Insaanka, oo ah urur Masari ah, waxaa la aasaasay 2004tii, waxaana aasaasay koox qareenno ah iyo hawl-wadeenno.

Waxay diiwaangelisay xadgudubyada ka dhanka ah muwaadiniinta, suxufiyiinta iyo maxaabiista siyaasadeed ee Masar iyo gobolka.
Waxa kale oo  daba socotay caga-juglaynta sii kordhaysa ee dawladda iyo beegsashada shaqaalaha xuquuqul insaanka iyo kuwa kale.

Laakiin sharciyo ka dhigay qaar badan oo ka mid ah hawlgallada ANHRI mid sharci darro ah ayaa ku qasbay ururka in la xidho, Agaasimaha Fulinta Gamal Eid ayaa sidaas ku sheegay bayaanka uu soo saaray Isniintii.

Dadka xabsiga loo taxaabay sannadihii u dambeeyay ayaa waxaa ka mid ahaa dad u dhaq-dhaqaaqa cilmaaniyiinta oo ku lug lahaa kacdoonkii Guga Carabta ee 2011-kii lagu afgambiyay hoggaamiyihii muddada dheer dalkaasi Xusni Mubaarak.

Qareen ahaan, Ciid waxa uu matalaa qaar ka mid ah maxaabiista cilmaaniga ah ee ugu caansan. Maxkamad ayaa amartay in hantidiisa la xayiro, waxaana laga mamnuucay inuu safro tan iyo 2016-kii.

Tan iyo markii uu xukunka qabtay 2013-kii, Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi waxa uu dusha kala socday qalalaasaha kacdoonka kadib, wuxuuna mamnuucay ururka Ikhwaanul Muslimiin, isaga oo ku tilmaamay “urur argagixiso”.

Wadanku waxa uu ku jiraa liiska ugu xun ee xabsiyada lagu hayo saxafiyiinta, oo ay weheliyaan Turkiga iyo Shiinaha, sida uu qabo guddiga ilaalinta saxafiyiinta.

Berberanews.com
Info@berberanews.com