Deked Aan Cidi Lahayn Weeye Dekeda Berbera

(Hortaadaaba Lagu Maalayaa Kii Hagoogane)
Marsada Dekeda Berbera Ayaa Albaabadu Uxidhanyihiin Mudo 10-Cisho Ah Ama Bilowgii Sanadkan 2022 Sababta Xidhitaanka Dekeda Ayaa Lala Xidhiidhiyaa Kadib Markii Shirkada DPW Ee Dekeda Laga Kireeyay Ay Kordhisay Tacriifadii Dekeda

Tacriifada Lakordhiyay Waxaa Kamida
* Container Charges
* Container Shifting
* New Gate Passes People & Vehicles
* Crane Change
* And Etc Sida Ay Ay Sheegtay DPW

Qiyaasta Lacageed Ee DPW Kordhisay Ee Tacriifada Cusub Ayaa Ah Mid Aad U Xad-dhaafa Marka La Eego Tii Hore Tusaale Ahaan Container-ka 40Feet-ka & Ka 20Feet-ka Ahba Waxaa Lagu Kordhiyay 30% Ugu Yaraan Qodobka Kale Ee Wax Lala Yaabo Ah Ayaa Ah Personal Gate-pass Oo Ah 2$ Qofkiiba Waana One Entry Hadii Aad Baxdo Hadana Waa Laba Dollar Oo Kale

Sida Wararku Sheegayaan Maanta Oo Bisha January Tahay 10 Sanadkan Cusub Ee 2022 Ayaa Shirkadu DPW Socodsiisay Kuna Guulaysatay Qorsheheedii Ahaa Korodhka Tacriifadeeda Cusub Iyadoo Ay Muquunisay Ganacsatadii Diidanayd Markii Hore Iyadoo Shirkada DPW Garab Kahelaysa Masuuliyiinta Dowlada & Gudiga Dekedaha Somaliland Oo Iyana Lasafan Shirkada DPW & Masuuliyiinta Dowlada Oo Uu Ugu Horeeyo Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Ah Masuulkii 1aad Ee Heshiiskan Shirkada DPW Waday Ama Farsamayaqaanka Ka Ahaa Wakhtigii Dowlada Ee Xukuumadii President Siilaanyo Iyadoo Wararka Xogogaalka Ahi Sheegayaan In Dr Sacad ShareHolder Kayahay Shirkada DPW

Heshiiska Shirkadan DPW Lala Galay Ayaa Ahaa Heshiis Dano Gaara Laga Lahaa Isla Markaana Kusoo Beegmay Wakhti Kala Guur Laba System Waxaanu Ahaa Heshiis Aan Aad Looga Baaraandegin Ama Aan Loo Naaqishin Isla Markaana Aan Lamarin Procedures kii & Terms-kii Heshiisyada Caalamiga Ahaa Sidoo Kale Heshiiskan May Eegin Manay Soo Diyaarin Sharci Yaqaano & Lawyers Aqoon Uleh Heshiisyada Lawada Galo

Heshiisyada Waawayn Ee Noocan Oo Kale Ah Ayaa Loo Galaa Sadex Qaab Sadexdaas Qaybood Oo Kala Ah
* Heshiis Ay Wada Galaan Laba Dowladood (Two State Agreement)
* Heshiis Ay Wada Galaan Dowlad & Company Caalami Ah (State & International Company Agreements)
* Heshiis Ay Wada Galaan Laba Company Oo Caalami Ah (Two International Company Agreement)

Sidaas Marka Ay Yihiin Heshiisyada Waawayn Ee Caalamiga Ah Ee Lagalaa Waxaa Jira Criteria & Lamariyo Heshiisyada Sidoo Kale Waxaa Jira Articles Lagama Maarmaan Ah Oo Heshiiskaas Aan Laga Tegi Karin Qodobaas Waxaa Kamida Ama Kamid Noqon Kara
* Mudada Heshiisku Jiraayo (Soconaayo) Iyo Waxyaabaha Jebinaaya Ama Uu Kuburaayo
* Sida Loo Kala Yeelanaayo Shares-ka Dhinacyada Heshiiska Galay
* Sida Loo Kala Yeelanaayo Awoodaha & Sida Boards-ku Noqonaayo
* Cida Yeelanaysa Awooda Waxkabedel Heshiiska & Wakhtiga
* Qorshaha & Qaybta Maaliyadeed Ee Deegaanku Yeelanaayo (Percentages-ka) Horumarineed Ee Wadanku Gaar Uyeelanaayo Oo Si Guud Uga Hadhaaya Faa,iidada Guud (Waana Qodob International Ah) Oo Aduunku Kasimanyahay
* And Etc

Intan Waxaan Usoo Qaatay Tusaale Ahaan Balse Waxaa Jira Articles Intan Kabadan Oo Iyana Kamida Qodobada Heshiisyada Balse Ujeedka Aan Usocdo Ayaa Ah 3-daas Qodob Ee Loo Galo Heshiiisyada Caalamiga Ah Oo Mid Kastaa Leeyahay Dariiqyo Gaara Ayaan Midna Loo Marin Heshiiskan DPW Mana Jirto Lamana Garanaayo Dariiq Alaale Dariiq Loo Maray & Meel Laga Duulay Toona Marka Laga Reebo In Dowlada Somaliland Shirkadaas Kuwareejisay Dekedii Berbera Lana Sheegay In Dowlada Somaliland Leedahay 35% Halka 65%-na Ay Leedahay DPW & Ethopia

Shirkada DPW Ayaa Sidaynu Wada Ogayn Lawareegay Guud Ahaan Shaqadii Dekeda Marka Laga Reebo Qaybta Faraca Bada Oo Ah Department Yar Oo Maamula Soo Xidhida Maraakiibta Balse Dhamaan Howshii Kale & Adeegyadii Dekeda Waxaa Lawareegay DPW Waxaana Lawada Ogaa Shuruucdii & Xeerarkii Ay Kusoo Rogeen Shaqaalihii Dekeda Waxaana Si Fudud Ugu Hirgalay Rabitaankoodii Koobaad Iyadoo Shaqaalihii Dekeda Halkaas Aad Loogu Duudsiyay Meeshana Lagaga Saaray Shaqaalihii Dekeda Qiyaas Ahaan 65%

Ujeedka Guud Ee Shirkada DPW Ayaa Ahaa Mid Aragti Fog Ku Salaysan Waxaana Heshiisyadaas Aan Laga Fiirsan Hoosta Kaga Jiray Oo Ay Dhex-marsadeen Dhaman Institutions-ka Dalka Qodobadan Hada Ay Wadaan Oo Uu Kamidyahay Inay Marka Ay Doonaan Kordhin Karaan Tacriifada Dekeda & Inay Keensan Karaan Cidii Ay Doonaan Waana Taas Hada Ufushay Mana Jiro Qodob Udiidayaa Oo Hada Is Hortaagayaa

Shirkadan DPW Ayaa Umuuqata Tuugo Xarfaan Ah Oo Heer Caalami Ah Isla Markaana Ka Ciyaaraysa Stander Kasareeya Keenan Waxaana Ay Heleen Bulsho Baahan Oo Aan U Diyaarsanayn Ama Haysan Nidaamkii Ay Isku Difaaci Lahaayeen (Defense System) Iyo Dowlad & Masuuliyiin Qaran Oo Khiyaamaynaysa Dadkeeda & Dalkeeda Waana Ta Sababtay Maanta Inay Siday Doonaan Yeelaan

Qodobka Ugu Wayn Ee Ay Usocoto Shirkada DPW Ayaa Ah In Gebi Ahaanba Meesha Ay Kasaaraan Xamaalka & Geelaha Waxaana Aad Arkaysaa Khiyaamada Ay Isticmaalayaan Iyagoo Alaabta Container-ka Kujira Ay Ukala Qaadeen Laba Nooc Mid LEBIS Ah Oo Alaabta Lagu Qaadayo Container-ka & Mid Alaabta Lagaga Guraayo Dekeda Dhexdeeda Waxaana Ay Kakala Dhigeen Laba Qiime Waxaana Ay Hoos Udhigeen Containers-ka LEBIS-ka Waxaana Meesha Kabaxaaya Xamaalkii & Kuuligii Dekeda Dhexdeeda Kashaqaynayay Sidaas Markay Noqoto Ganacsatadu Waxay Raacayaan Dantooda Waxaanay Odhanayaan Alaabtayada LEBIS Hanalooga Dhigo Waxaana Gebi Ahaanba Meesha Kabaxaaya Xamaalkii & Kuuligii Waana Qodobka Ay Usocdaan Waana Inta Keliya Ee Kusii Hadhay Bulshadii Reer Saaxil

Iyadoo Aan Idinla Wadaagi Doono Qoraalo Dambe Kuna Saabsan Arinta DPW & Heshiiskay Lagashay Somaliland Qodobka Meesha Yaala Ayaa Ah Dadkan & Bulshadan Tabaalaysan Yaa U Ehel Ah Meeday Dowladii Ilaalin Lahayd? Yaa Ka Difaacaya Shirkadan Dhiigmiiratadq Ah? Majiraa Qorshe Dowlada Uyaal Oo Howshan Kusaabsani? Mise Xaalku Waxa Weeye Masaakiin Ayaa Leh Misko Lafuulo? Ganacsatadu Sidii Caadada Ahayd Ma Kordhin Doonaan Qiimaha Maceeshada Mise Way Utudhi Doonaan Dadkooda? Maxay Tahay Talaabada Tan Kuxigta Ee DPW Ay Qaadi Doontaa?

Note
Hal Qodob Waan Kayara Cudur Daaranayaa Waxaana Iigu Hadhay Hubin Waana $2 Dollar-ka GatePasses-ka Taasna Waxaan Ogaan Doonaa Qaabka Beri Loo Bilaabo Maadaama Maanta La Ogolaaday Balse Aan Weli Shaqadii Weli La Bilaabin Waxaanan Beri Ogaan Doonaa Cida Laga Qaadayo Lacagtaas Ma Visitors kaa Ma Port Users kaa Mise Waa Cid Kale? Waa Inoo Beri & Ogaalkeeda Insha Allah Sidoo Kale Tacriifada Oo Faahfaahsan Waan Idinla Wadaagi Insha Allah Beri

-HADBA KII U FOOSAA LADHACA FAASHKA XAABADA—

Abdikalik Awal-bari
Somaliland Berbera
Email: abdi70526@hotmail.com
Tell: +252-63-4292705