Cirro oo ku eedeeyey xukuumadda inay ka horjoogsato kulammo xisbigiisu ku qabsanayey Burco

Burco -(Berberanews)- Murashaxa madaxtinimada Xisbiga mucaaradka ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa cambaareeyey isku day uu sheegay in xukuumaddu doonaysey inay kaga horistaago kulammo xisbigiisu ku qabsanayey magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Dr. Cirro ayaa carrabka ku adkeeyey in aanay kulamada ay taageerayaashooda la yeelanayaan uga fasax qaadan doonin Taliyaha Booliska iyo Badhasaabka Gobolka Togdheer midkoodna.
Waxa kaloo uu ku eedeeyey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi inuu doonayo inuu kordhisto muddo-xileedkiisa, taasoo uu sheegay in aanay marnaba aqbali doonin.
Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka soo saartay eedaymaha murashax Cirro u jeediyey.