Al-shabaab oo markale weerar khasaare geystay ka fuliyey gudaha Kenya xalay

NAIROBI — Malleeshiyada ururka Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar dhowr ku dhinteen oo ka dhacay gobolka xeebta Lamu ee dalka Kenya xalay.
War lagu baahiyey warbaahinta taageerta Al-shabaab, ayaa lagu sheegay inay weerarkaasi ku dileen laba qof.
Sidoo kale, waxa weerarkaas sheegay telefishinka Citizen ee Kenya, kaasoo tebiyey in weerarku ka dhacay degaan lagu magacaabo Kibaoni oo ka tirsan Gobolka Lamu.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Al-shabaab taageerta, weerarku waxa uu ka dhacay degaannada Wito iyo Salaama.
Booliska Kenya ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin weerarka xoogagga Al-shabaab ka fuliyeen Gobolka Lamu xalay.
Hase yeeshee, boolisku waxay ka hadleen weerar ka dhacay isla degaankaas maalintii Jimcaha, kaas oo lagu dilay afar askari oo ka tirsanaa ciidammada booliska sida ay qoreen wargaysyada The Star iyo The Standard.
Boolisku waxay qireen in baabuur ciidankoodu leeyahay oo ilaalo ku jiray lagu qaaday weerar gaadmo ah, waxaanay warbaahinta Kenya baahiyeen in baabuurkaas lala helay baasuuke.
Weerarka xalay ayaa noqonaya kii afraad ee Al-shabaab ka fuliyaan dalka Kenya muddo toban maalmood gudahood ah.