Tanzania: Waa kuma Soomaaliga loo magacaabay wasiirka wasaaradda muhiimka ah?

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu oo isku shaandheysay golaheeda wasiirrada ayaa wasaarad muhiim ah u magacaawday siyaasi Soomaali ah.

Madaxweynaha ayaa Xuseen Maxamed Baashe waxay u magacaawday wasiirka wasaaradda beeraha dalka Tanzaania, isaga oo horay u soo ahaa wasiir ku xigeenka wasaaraddaas.

Isku shaandheynta ayaa ku soo beegmeysa dhowr maalmood un kaddib marki ay sheegtay iney fasaxeyso shakhsiyaadka doorashada 2025-ka u hanqal taagaya.

Waxaana golaha wasiirrada si weyn uga soo muuqday siyaasiyiinta sida weyn u taageersan Madaxweynaha.

Xuseen maxamed baashe

Dhammaan golaha wasiirrada ee ay Sabtidi magacawaday madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu waxaa xilka loo dhaarinayaa Isniinta oo ku beegan 10-ka bishan January 2021.

Haddaba waa kuma Xuseen Maxamed Baashe?

Xuseen Maxamed Baashe waxa uu 26-kii August 1975 ku dhashay gobolka Nzega, magaalada Tabora ee dalka Tanzania.

Wuxuuna siyaasadda uu ku soo biiray xilliyadi uu dugsiga sare ka baxay.

Waa siyaasi reer Tanzania oo ka tirsan xisbiga talada haya ee CCM, waana xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalkaasi oo 2015-kii deegaan doorashada Nzega laga soo doortay. Wuxuuna soo ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha.

Xuseen oo dalka Tanzania caan ka ah, siyaasadda ka sokoow waxaa lagu yaqannaa inuu yahay ganacsade weyn oo dhanka beeraha horumar ka gaaray.

Wax soo saarka beeraha dhaqaalaha guud ee dalka Tanzania wuxuu ka qaataa 65% halka wax soo saarka dalka Tanzania uu dhoofiyo 24% ay yihiin wax soo saarka beeraha.

Seddex meelood laba meel shacabka dalka Tanzania ku nool noolashooda waxay ku tiirsan tahay wax soo saarka beeraha.

Dhaqaalaha gaarka ah ee wasiirka ayaa sanadki dhammaaday ee 2021-ka waxaa lagu qiyaasay inuu gaaray $3-$5 malyan oo dollar, isaga oo dhaqaalahaasi ka sameeyey wax soo saarka beeraha.

Xuseen Maxamed Baashe oo haatan ay madaxweynaha Tanzaniya ay u magacaawday wasiirka Beeraha oo sanadki hore BBc uga warramay taariikh noolaleedka madaxweynaha dalka Tanzaniya halkan ka dhageyso

@Bbc Somali