“Ha noqon dumiye dal iyo dad ba kala irdheeya.” Barkhad Jaamac Batuun

Mudane Madaxweyne, Doorashadii dhawaan dalka ka dhacday ee isku sidkanayd wixii qurux iyo qiimo ee ay lahayd oo dhan adiga ayaa qaatay; waxaanay kugu qorantahay buugga taariikhda dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, cid kaa dafiri karta iyo cid kaa deeddifayn karta toona ma jirto. Waxa ay ahayd doorasho aan ku koobnayn oo kaliya sawirkeeda siyaasadeed iyo saaameynteeduba Somaliland, balse waxa ay ahayd cashar iyo cibaaro weyn oo caalamka layaab ku noqotay, walina la hadal hayo mahadhooyinkeedii iyo midhihii ay dhashay!

Madaxweyne, waxa muddooyinkii u danbeeyey kaa muuqda ficiltan iyo feker aan tolmoonayn, fulin aan fiicnayn oo salka ku haya gole-kafuul iyo fagaare ka baanid; taasina ma aha siffo u wacan madaxtinnimada. Waayo? Waxa aad tahay odaygi qaranka (Head of state). Dhaqanka Soomaalida qofka ummadda hoggaaminaya waxa lagu tilmaamaa geed damal ah oo la wada hadhsado, lagana dheefo hadh iyo hurdo macaan, neecow qabow, cabsi la’aan, iyo carrosan. Intaas oo siffo geedka leh waxa la siiya oo kali ah qofka hoggaamiyaha ah, laakin haddii uu yeesho godod bahallogaleen ah, ama kudkude, qocondho, qodax IWM cidi ma hadhsato mana soo haweysato.

Ficiltanka madaxdu waxa uu dhalaa isku dhac iyo dibudhac ummadeed. Hantida kaliya ee Somaliland haysataana waa nabadda. Waxa aad Madaxweyne ku tahay waa nabadda, anna waxa aan xildhibaan ku ahay waa nabadda, waxa ay shacabku ku wada joogaan waa nabadda, waxa aynu dawlad ku nahay waa nabadda, waxa aynu dal jira oo dunida ictiraaf ka raba ku nahay waa nabadda. Taas haddii la ilaalin waayana waxa ka dhalanaya adiga cidina kaaga sheekayn mayso oo waayo’arag ayaad ku tahay midhaha qadhaadh ee dagaallada sokeeye iyo dawlad la’aantu leedahay.

Madaxweyne.

Aniga oo ixtiraam iyo qaddarin kuu haya, waxa aan ku soo jeedinayaa inaad dib xisaabtaada siyaasadeed u saxdo oo aad ku waano iyo warqaadato waxa ka socda waddamada aynu jaarka nahay ee khilaafkoodi siyaasadeed saameeyey dalkoodi iyo dadkoodii. Meel fogna haba ka eegine hoos u dhugo wax ka dhacaya Ethiopia iyo Soomaaliya.

Taladaydu waxa ay tahay wax badan Madaxweynannimadaada ku liq, odeynimadaadana ku aqbal, sharciyadda dalka dhowr, isku duubnaanta bulshada ilaali, oo qarannimadda Somalilnad qiimee.

Waxa aan ku odhan laha noqo:

“Dhise dhaxal wanaagsan ka taga, oo ha noqon dumiye dal iyo dad ba kala irdheeya.”

WQ Barkhad Jaamac Batuun