Al-shabaab oo dagaal ku dilay taliyihii guutada 13-aad ee Ciidanka millatariga Somalia

GAALKACYO —(Berberanews)- Taliyihii guutada 13-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gaashaanle Dhexe Cali Maxamed Soocadde iyo saddex askari oo kale, ayaa ku dhintay dagaal culus oo dhexmaray ciidammada dawladda iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya iyo malleeshiyada Al-shabaab, kaas oo ka dhacay degaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud gelinkii dambe ee maanta.

Ciidammada dawladda oo iskaashanaya kuwa maamul-goboleedka Galmudug, ayaa weeraray tuulada Cadakibir, halkaas oo malleeshiyada Al-shabaab ku suganaayeen.
Al-shabaab ayaa maalmo ka hor weerar ku qaaday degaanka Baxdo oo u dhow Cadakibir, iyagoo dadka deegaankaasi sheegay inay gaadhsiiyeen jab xoog leh.

Berberanews.com
Info@berberanews.com