Somaliland: Ujeedada Wefti ka socda Dowladda Imaaraadka Carabta

Hargeysa-(Berberanews)-Wefti ka socda Dowladda Isu tagga Imaaraadka Carabta, ayaa soo gaadhay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha Somaliland Maxamed Cismaan Siciid, ayaa Madaarka Cigaal ee Hargeysa kusoo dhaweeyay weftigan.

Agaasimuhu sida uu sheegay waxa ay weftigu ka socdaan xarunta Hal-abuurka ee UAE Innovate Centre, kuwaasoo muddo lix maalmood ah ku sugnaan doona dalka.

Weftiga imaaraadka
Weftiga imaaraadka
Weftiga imaaraadka

“Waxa aan saaka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport. kusoo dhawayney wefti ka socda waddanka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan xarunta Hal-abuurka ee UAE Innovate Centre. Weftigan oo muddo lix maalmood  ah waddanka joogi doona waxa ay  kulammo kala duwan la yeelan doonaan qaar kamid ah Wasaaradaha iyo Jaamacadaha dalka.” Sidaa waxa yidhi Agaasime Maxamed Cismaan Siciid.

Weftigu waxay maanta kulamo lw yeesheen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha Sonaliland.

Berberanews.com
Info@berberanews.com