Awdal: Mattaano 9 bilood jiray oo ku dhintay guri lagu xidhay

Awdal-(Berberanews)-Lana carruur ah oo mattaano ah ayaa ku naf waayay dab qabsaday gurigooda oo dusha lagaga xidhay, Degmada Dila ee gobolka Awdal.

Caruurtan mataanaha oo da’adoodu ahayd 9 bilood , ayaa  magacyadooda lagu sheegay Muuna Cabdiraxmaan Jaamac iyo Mahdiya Cabdiraxmaan Jaamac.

Ciidammada Dab demiska oo gaadhay goobta ayaanay u suurtagelin inay naf ku gaadhaan ubadkaas, sida lagu sheegay war kasoo baxay Ciidanka Dab demiska Somaliland oo u dhignaa sidan:

Guriga dila ku gubtay

“Laba Caruura oo mataano ah ayaa maanta ku dhintay dab qabsaday hoygii ay ku noolaayeen oo ku yaala degmada Dila ee gobolka Awdal gaar ahaan xaafada Laanta Hawada.

Ciidanka Dab-demiska Awdal oo gurmad u fidiyay ayaa damiyay dabka oo guriga wada haystay, sidoo kalena caruurta guriga dusha lagaga xidhay. Ciidamada ayaa si degdega goobtaa u gaadhay, waxaana ay damiyeen dabkii, Isla markaana ka soo saareen maydka caruurtii.

Caruurta ayaa ahaa mataano da’adoodu ahayd 9 bilood , waxaana magacyadoodu kala ahaayeen Muuna Cabdiraxmaan Jaamac iyo Mahdiya Cabdiraxmaan Jaamac. Intaa kadib ciidamada ayaa baadhista iyo maydkii ku wareejiyay maamulka degmada.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan tacsi uga dirayaa qoyskii ay ka baxeen labadaa caruuri, waxaanu ilaahay uga baryaynaa in beddel kheyr leh siiyo. Dhanka kale ciidamadu waxay marwalba bulshada uga digayaan dhacdooyinka noocan oo kale ah, kuwaasoo waayadan dambe soo noq noqatay.”