Shirkii Muqdisho oo qarka u saaran inuu burburo

Soomaaliya: 5 qodob oo saldhig u ah doodda ugu weyn ee u xayiran yahay burburka shirku

Muqdisho -(Berberanews)-Kadib shir afar maalmood uga socday magaalada Muqdisho ayaa ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, madaxda maamul-goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banadir waxa ay ku heshiin waayeen qodob ku aaddan cidda maamulaysa amniga guud ee dalka, waxana gebi ahaanba hakad galay sii socoshadii shirka maalintii Khamiista, kadib markii dhinacyadu isku mari waayeen.

Madaxda ayaa la sheegay in dood adag oo laysku mari waayey ka yeesheen qodobkan oo la xidhiidha amniga qaranka, iyadoo ra’iisal wasaaraha iyo dowlad-goboleedyada ku aragti ah ay doonayaan in maamulka amniga guud ee dalka lagu wareejiyo Maxamed Xuseen Rooble, iyo in taliyeyaasha ciidammadu ay ka amar qaataan xukuumadda oo keliya.

Maamul-goboleedyada kale ee diiddan qodobkaas oo ayey BBC-du ogaatay inay ku doodayaan in arrintan aanay qeyb ka ahayn arrimaha khuseeya doorashada.

Haddaba, halkan waxaan ku eegi doonnaa shan arrimood oo ku saabsan qodobkan uu u xayiran yahay shirka muhiimka u ah arrimaha doorashada Soomaaliya ee madaxda Golaha Wadatashiga Qaran uga socda Muqdisho.
Maxaa keenay qodobkan?
27kii December 2021, ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si toos ah ugu eedeeyey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu ku sifeeyey isku-day afgembi.
Rooble ayaa sheegay in Farmaajo uu soo weeraray xafiiska ra’iisal wasaraaha iyo xarunta golaha wasiirrada si uu “horjoogsado gudashada waajibaadkooda Qaran.”

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi, oo isla maalintaas u warramay BBC-da ayaa beeniyey inuu dhacay “afgembi,” waxaannu ku dooday in Rooble uu arrintaas ku qarinayo shaqo joojinta uu ku sameeyay Farmaajo.

Wixii maalintaas ka dambeeyey, waxa Muqdisho ka socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo abuuray cabsi ah inay dhacaan dagaallo la mid ah kuwii April 2021 ka dhacay caasimadda.

Kala Qeybsanaanta Maamul-goboleedyada:

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ku dhaw shirka Madasha Qaranka, ra’iisal wasaare Rooble oo taageero ka helaya madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku doodaya in aanay doorasho daah-furan dhici karin inta uu madaxweyne Farmaajo leedahay hoggaaminta amniga guud ee qaranka.

Waxa dhinaca dooddaas diiddan madaxweynaha Konfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyadoo aanay si rasmi ah u caddeyn aragtida madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo guddoomiyaha Gobolka Banadir oo u janjeedha dhanka madaxtooyada Soomaaliya.

Doodda garabkan ayaa ah in arrinta amniga guud aysan khuseyn shirka, ra’iisal wasaaraha lagu wareejiyay, mas’uulna ka yahay amniga doorashada.

Qodobkan oo aan weli laga heshiin ayaa lagu tilmaamay inuu yahay kan ugu adag ee uu hadda u xayiran yahay shirka.
Dastuurka iyo amniga guud ee dalka:

Dastuurka kumeelgaadhka ah ee Soomaaliya qodobkiisa 90-aad (b) ayaa dhigaya in madaxweynaha uu yahay taliyaha guud ee ciidammada qalabka sida, iyadoo faqradda xigtaana sheegayso inuu awood u leeyahay magacaabidda taliyayaasha ciidammada heer federaal iyo ka qaadista xilalkooda marka ay soo jeediyaan golaha wasiirrada. Muddo xileedka madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaaday Bishii February ee sannadkii hore. Dastuurka sooma hadal qaadin awoodaha madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaaday, laakiin weli xafiiska fadhiya.

Dadka taageersan madaxweyne Farmaajo ayaa ku doodaya in aanay jirin sabab uu amniga dalka iyo maqaamka ah taliyaha guud ee ciidammada uu ugu wareejiyo ra’iisal wasaare Rooble oo haatan uu khilaaf ka dhexeeyo.

Dadka taageersan Raysal wasaare Rooble ayaa iyagu qaba in madaxweyne Farmaajo muddo xileedkiisa dhammaaday, isla markaana uu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynenimada markale. Xafiiska Raysal wasaaraha iyo dawlad-goboleedyada ku aragtida ah ayaa ku doodaya in madaxweyne Farmaajo uu awood u leeyahay in ciidammada ka amar qaata uu “ku carqaladeeyo” doorashada, taasina tahay sababta ay u doonayaan inuu u wareejiyo amniga guud ee dalka.

Amnigee ayaa lala wareegayaa?

Dadka diiddan in ra’iisal wasaaraha lagu wareejiyo amniga guud ee dalka ayaa qaba su’aal ku aaddan qeexidda amniga ay tahay inuu lala wareego.

Waxa ay tilmaamayaan in ciidammada federaalka ay ka hawlgalaan oo keliya saddex magaalo oo ka mid ah shanta xarumood ee saldhigga u ah maamul-goboleedyada. Maamul-goboleedyada ay joogaan ciidammada dawladda ayaa danaynaya inay fahmaan sida isbeddelka halka amarka laga siinayo ciidammada dawladda federaalka ay u saameyn karaan amnigooda iyo danahooda.

Dooddooda ayaa ku qotonta in ciidammada federaalka aysan awood muuqata ku lahayn Kismaayo iyo Garoowe, sidaa awgeedna uu dhalanteed yahay amniga guud ee la wareejinayo.

Waxa kale oo ay tilmaamayaan haddiiba ay dhacdo in Rooble gacanta loo geliyo amniga guud, cidda dammaanad qaadaysa in aannu ku dhibaateyn doonin maamullada hadda taabacsan Farmaajo ee ay joogaan ciidammadaas.

Maxaa xiga?

Madaxda ayaa lagu wadaa in caawa ama berri oo Sabti ah ay isugu soo laabtaan kulanka ay ka sii doodaan qodobkan. Waxaa jira walaac ah in haddii ay ka heshiin waayaan arrintan uu shirku sidaa ku burburi karo. Labad dhinac ayaa xalay ilaa maanta waday wada tashiyo gooni gooni ah, waaana sidoo kale jira cadaadis kaga imanaya dalalka lagu magacaabo saaxiibadda Soomaaliya.